DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?
MUQDISHO — Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo madaxweyne muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay, ayaa u muuqata inay si tartiib tartiib ah ugu sii siqeyso isku dhac toos ah oo ay la gasho maamulka Koonfur Galbeed, kaddib markii xiriirkii siyaasadeed ee u dhexeeyey Villa Somalia iyo madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu burburay dabayaaqadii bisha Ramadaan.
Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo isku dhafan oo isugu jira cadaadis siyaasadeed iyo diyaar garow millatari. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dadaallo hore lagu doonayey in Lafta-gareen dib loogu soo celiyo xeyndaabka siyaasadeed ee Villa Somalia ay fashilmeen, taasoo keentay in dowladda Federaalka ay qaadato istaraatiijiyad ciidan.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa tilmaamaya in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka la geeyey degmada Buurhakabe, oo qiyaastii 60 ilaa 70 kiiloomitir u jirta magaalada Baydhabo — xarunta maamulka Koonfur Galbeed. Dhaqdhaqaaqan ayaa loo arkaa mid si toos ah u saameyn kara amniga Baydhabo, oo ah xarunta siyaasadeed ee maamulkaas.
Ilo amni ayaa sheegaya in laba urur oo ciidamadaas ka mid ah laga keenay gobolka Shabeellaha Dhexe, halka cutub kale oo aan dhammaystirneyn laga soo abaabulay Muqdisho. Ciidamadan ayaa la sheegay inay soo mareen waddada u dhexeysa Afgooye iyo Buurhakabe, iyagoo habeenkii xalay ku hakaday deegaanka Yaqbiriweyne, halkaas oo ay iska hor imaad kooban kula galeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Inkastoo dagaal dhacay, ma jiraan warar rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaro dhimasho ama dhaawac.
Dhanka kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilaabay abaabul difaac oo xooggan, iyadoo ciidamo tiro badan la geeyey duleedka Baydhabo si ay uga hortagaan weerar kasta oo suuragal ah.
Lama oga weli doorka ay qaadan doonaan Ciidamada Itoobiya oo nabad ilaalinta u jooga magaalada Baydhabo. Waxaa horey u fashilmey dadaallo dowladda Federaalka rabtay iney Addis Ababa kaga dhaadhiciso iney Lafta-gareen u fasaxaan Villa Somalia iney Baydhabo gudaheeda kaga hortimaado. Dadaalladaas ayaa ku dhammaaday guuldarro, iyadoo safar uu madaxweyne Xasan Sheekh damacsanaa inuu ku tago Addis Ababa uu baaqday, kaddib markii uu waayey martiqaad rasmi ah oo ka yimaada Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Sidoo kale, Madaxweynaha Jabuuti ayaa horey ugu fashilmay isku day uu ku doonayey inuu labada hoggaamiye isku fahmaan arinka Koonfur Galbeed. Dowladda Itoobiya weli kama hadlin xaaladda kacsan ee Koonfur Galbeed, xilli khubarada amniga ay ka digayaan in haddii dagaal ka dhaco Baydhabo ay jirto khatar ah in kooxda Al-Shabaab ka faa’iideysato, isla markaana ay gacanta ku dhigto gobolkaas, oo Itoobiya u ah jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxda.
Ciidamada Itoobiya ayaa si joogto ah ugu sugnaa gobollada maamulka Koonfur Galbeed tan iyo sanadkii 2011, markaas oo ay si rasmi ah ugu biireen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab. Mudadaas oo hadda ka badan 14 sano, waxay saldhigyo ka sameysteen goobo istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin Baydhabo, Xudur, Waajid, iyo deegaano kale oo muhiim ah oo gobolka ka tirsan, iyagoo door muhiim ah ka qaadanaya sugidda amniga iyo la dagaalanka kooxaha hubeysan.
Xogaha diblomaasiyadeed ee la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidamada dowladda Federaalka ay wataan hub la sheegay in dhowaan ay siisay dowladda Masar, iyadoo warar kale ay sheegayaan in la-taliyeyaal militari oo Masaari ah ay qeyb ka yihiin abaabulka iyo qorsheynta howlgalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo si cad u muujiyey inuu doonayo inuu meel mariyo dastuurkii uu beddelay, ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu doonayo inuu ku qasbo maamul goboleedyada — gaar ahaan kuwa horey ula safnaa — nidaam doorasho oo aan lagu heshiin heer qaran.
Falalka hadda socda ayaa, sida ay qabaan falanqeeyayaal, noqon karaan bilowga wejigii ugu halista badnaa ee khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, iyadoo laga cabsi qabo in ay wiiqaan nidaamka federaalka ee Soomaaliya.
Tani ma aha isku daygii ugu horreeyey ee noociisa ah. Sanadkii hore, dadaal militari oo dowladda Federaalka ku doonaysay inay ku saameyso Jubaland ayaa fashilmay, kaddib markii ciidamo loo diray deegaanka Raas Kambooni ay dib uga gurteen, qaarna ay u gudbeen xadka Kenya.
GAROWE ONLINE