DF Soomaaliya oo shaacisay go'aan la xiriirta muwaadiniinta Suudaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Muwaadiniinta Suudaan ee ku nool Soomaaliya ayaan laga qaadi doonin khidmad lacageed laguna soo rogi doono ganaaxyo sabab la xiriirta fatahaadaha dalkooda ka jira, sidda ay shaacisay xukuumadda.

Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ra'iisul wasaaraha ku meelgaarka ah, ayaa bartiisa gaarka ee Twitter-ka ku sheegay in go'aankan lagu gaarey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradu yeesheen Khamiista maanta ah.

Khadar ayaa qoraalkiisa oo ku qornaa luuqada Carabga daaha ka rogay in Muqdisho ay dhigeeda Khartuum ku garab taagan tahay xaaladda adag ee dalkaas uu wajahayo.

"Kalfadhigii golaha wasiirada ee aan maanta aan shir gudoominayay, Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh ugu dirtay shacabka walaalaha aan nahay ee reer Suudaan," ayuu qoraalkiisa ku bilaabay Guuled.

Guuleed oo xil-heyntiisu khilaaf dastuuriya ka jiro ayaa ku daray: "Waxaanan muujineynaa dareenkeena iyo isku duubnida aan la leenahay walaalaheena Suudaan ee wajahaya daadadkii ugu xumaa in ka badan boqol sano".

"Waxaan sidoo kale go'aansanay inaan ka dhaafno khidmadaha iyo ganaaxyada muwaadiniinta reer Suudaan ee ku nool Soomaaliya," ayuu kusoo xiray.

Hase ahaatee, ma uusan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan qaabka loo dhaafayo khidmada lacageed iyo ganaaxyadda, si lamid ah hadii ay tahay mid ku meelgaar ah ama in ay sii jireyso illaa iyo amar dambe.

Roobab xoogan oo ka da'ay Suudaan ayaa sababay fatahaadyo galaaftay nolosha 100 qof ayna ku barakaceen in ka badan 500-kun oo ruux. Xaaladan waxay timid iyaddoo qarankaan wajahayo dhowr qalalaase oo dhaqaalaha ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM