DF Soomaaliya oo saxiixdey mashruuc loogu magac-daray Eng Yariisow

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed Xasan, iyo agaasimaha guud ee Midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah, Mr Stefano Manservisi ayaa si wadajir ah u saxiixay mashruuc ay ku baxeyso 23 Milyan Yuuro.

Mashruucan horumarineed oo loogu magac-daray Eng. Yariisow uuna maal-gelinayo EU-da ayaa waxaa laga fulinayaa magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.

Qaybtiisa Muqdisho, mashruuca Eng Yariisow, oo lagu maal gelinayo 15 Milyan oo Yuuro ayaa si casir ah loogu dhisayaa wadda dhirirkoodu dhan-yahay 17 KM.

Qaybtiisa Berbera ayaa waxaa looga shaqeynayaa xoojinta awoodda dowladaha hoose ee qorshaha horumarinta magaaleynta iyo horumarinta dhallinyarada.

Munaasabadda lagu saxiixay heshiiska waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha gobalka Banaadir, safiirka midawga Yurub. Nicolas Berlanga Martinez iyo qoyska guddooyihii hore ee gobalka Banaadir.

Mr Manservisi ayaa munaasabadda saxiixa heshiiska ka sheegay in mashruucu uu ka qayb qaadanayo hir-gelinta hidnisihii iyo riyooyinkii nabadda iyo horumarka ee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Yariisow.

Dhankiisa, Jamaal oo xusay in Mashruuca Eng. Yariisow uu ka qayb qaadanayo dadaallada horumarinta dalka, ayaa caddeeyay in dhawaan la hir gelin doono.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tibaaxay in xaqiijinta mashruuca ee diiradda lagu saarayo "uu caddeyn u yahay in dowladdu ay muhiimad siinayso guuleysiga aragtidii marxuum Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM