DF Soomaaliya oo sheegtay in laga heshiiyey khilaafka doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qodobadda xudunta u ahaa khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa xal loo helay kadib markii la xaliyay, sidda uu sheegay Wasiirka Arimaha Dibada, Maxamed C/risaaq, balse ma jirto xaqiijin noocaan ah oo laga helay dhanka mucaaradka oo ku baaqaya wadahadal.

Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wali xafiiska sii jooga iyadda oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaaddey 8-dii Febraayo, tallaabadaas oo dhalisay qalalaase dastuuri ah, oo madaxda labada dhinac ee siyaasadda ay ku dadaalayaan inay xalliyaan.

Doorashada ayaa ahayd inay bilaabato Diisambar 2020 laakiin dib ayey u dhacday khilaaf siyaasadeed oo gudaha ah awgeed.

Guddiga farsamada ee matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa Talaadadii ku heshiiyey shan qodob oo muhiim ah kuna jiro qodob ku baaqaya kulan Khamiista dhexmara hogaanka siyaasadda.

Maxamed C /risaaq ayaa wareysi uu siiyay TRT World wuxuu ku sheegay in hogaamiyayaashu ay qodobo la saxiixi doono 48-da saac ee soo socota laakiin ma uusan bixin faahfaahin dheeri ah. Villa Soomaaliya sidoo kale wali wax hadal ah kama soo saarin heshiiska.

"Noo gaar ah: Dowladda Soomaaliya waxay heshiis ku gashay in ay soo afjarto is-mari-waaga siyaasadeed, heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa muddo 48 saacadood gudahood - Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed C / risaaq ayaa u sheegay TRT World," ayuu Tv-gan laga leeyahay Turkiga ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Si kastaba ha noqotee, labadii saac ee ugu dambeysay, mucaaradka wuxuu ku eedeynayay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed C / llahi Farmaajo inuu “carqaladeeyay” howlaha dib u heshiisiinta Soomaaliya, iyadoo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu isna ku baaqay banaanbaxyo Jimcaha soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM