DF Soomaaliya oo taageertay doorashada baarlamaanka HirShabelle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa durba waxay taageertay doorashadda guddoonka cusub ee baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka HirShabelle taasoo maanta ka dhacdey magaalada Jowhar.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa si lamid ah waxaa lagu bogaadiyey guddiga doorashooyinka ee maamulka wada.

"Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumada Federaalka Soomaliya waxa ay u hamablyaynaysaa Guddoonka Cusub ee ay doorteen Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Sidoo kale Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay u hambalyo iyo Bogaadin u diraysaa Guddigii Qabanqaabada Doorashada Gudoonka Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle, hay’adaha amniga oo suuragaliyey habsamida nabaddgalyada Doorashada iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan".

"Ugu dambayntii, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxa ay ku dhiirrigelinaysaa Guddoonka Cusub ee Baarlamanka in ay dhameystiraan inta ka dhiman hannaanka doorashada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Guddoonka cusub ee baarlamaanka HirShabelle ayaa waxaa kusoo baxay xubno ay wadatay Madaxtooyadda Soomaaliya kuwaasoo qaarkood loo boobay kuraasta Xildhibaanimo oo aysan ku qanacsaneyn bulshooyinka ay kasoo jeedaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM