Soomaaliya oo u goodisay doomaha iyo maraakiibta lagu raro dhuxusha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa digniin loogu diray doomaha iyo maraakiibta lagu raro dhuxusha.

Dacwad oogaha guud ee qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay la wareegi doonto doomahii iyo maraakiibtii lagu qabto iyagga oo sida shixnad dhuxul oo dalka laga jaray.

War saxaafadeedku waxa uu u qoraa sidan:-

Soo saaridda iyo dhoofinta dhuxushu waxay saamayn laxaad leh ku leedahay xaalufinta deegaanka, waxayna il wayn oo dhaqaale u tahay argagixisada.

Dhoofinta dhuxusha waa fal-dambiyeed lagu ciqaabi karo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, waxaana lagu mamnuucay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay S/RES/2036 (2012) ee ku saabsan mamnuucidda, dhoofinta iyo soo dejinta dhuxusha Soomaliyeed si dadban ama si toos ah xataa haddii aanay dhuxushaasi Soomaaliya toos uga imaanin.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu baaris ku hayay fal-danbiyeedkaa foosha xun, wuxuuna isagoo la kaashanaya INTERPOL ku dhawyahay in la soo qabto xubno ka ganacsada soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha.

Iyadoo taasi jirto ayaa haddana waxaa jira xog lagu kalsoon yahay oo sheegaysa inay dib u billaabatay soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha xeebaha Soomaaliya.

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa ama dibaaddiisa kuna lug leh dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah inay joojiyaan faldanbiyeedkaa waxayna wajahayaan ciqaabta ka dhalata fal-danbiyeedkaas sida ku xusan
Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Si arrintaa wax looga qabto Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa la kaashanaya Booliska Soomaaliyeed guud ahaan iyo ka Dawlad-Goboleedka Jubaland gaar ahaan.

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu ka digayaa in doomaha iyo maraakiibta lagu raro dhuxusha in lala wareegayo iyadoo loo marayosida ay qabaan shuruucda dalka.


Sikastaba ha ahaatee, ka ganacsiga dhuxusha oo ay Soomaaliya horey u mamnuucday ayaa la sheegay in ay tahay isha dhaqaale ee kooxda argagxisada ah ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM