DF Soomaaliya oo wadooyin ku dhiseysa taageerada Midowga Yurub

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib munaasabad lagu qabtay Muqdisho, dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa kala saxiixday heshiisyo lagu dhisayo wadooyin 335 kilometer ah oo isku xiraya gobolada dalka.

Lacagta mashaariicdaasi horumarineed ku baxeysa oo lagu sheegay 42 milyan oo Yuuroo [dollar ahaanna u dhiganta in ka badan 47 milyan] ayaa waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Qorsheynta dalka iyo wakiilka EU-da.

Xafladda ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumada federaalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] iyo mas'uuliyiin kale.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa xusay in mashaariicdan ay xoojineyso deeq dhan 100 milyan oo Yuuroo oo uu dhowaan Midowga Yurub ugu yaboohay kabka miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya.

Nicolas Berlanga Martinez ayaa dhankiisa tibaaxay in dhismaha jidadkani ay qayb qaadanayaan shaqo abuurka, kobaca dhaqaalaha iyo hagaajinta bad-baadada waddooyinka qaar oo aanan dayactir helin kadib burburkii.

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda ayaa shaacisay in dhaqaalaha guud ee deeq bixiyaashu ugu tala galeen mashruucan ay gaareyso 59.75 milyan oo Yuuroo.

Deeqda ayaa ka kooban 42 milyan oo ka timid Midowga Yurub, 12.31 Milyan oo ka timid sanduuqa horumarinta Afrika, 3.5 milyan oo ay bixinayso dowladda Soomaaliya, 1.94 milyan oo ka imaanaysa NEPAD-IPPF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM