DFS oo hakisay Imtixaanka dugsiga sare markii suuq madow lagu iibiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mas'uuliyiinta waxbarashadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa joojiyey Imtixaanka dusiga sare kadib markii la xaday, isla markaana suuq madow lagu kala iibsaday.

Wasiirka waxbarashada ayaa telafishinka dowlada u sheegay: "Saddex maalmood oo uu socday Imtixaanka lix maado oo la qaadey lixduba suuq ayay yaaleen, hal meel ayayna kawdada imaanayeen.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tibaaxay in fadeexada ay ka dambeysay markii maamulka xarun kamida 90-ka goob ee lagu qaadayey "uu go’aan-saday in uu fashiliyo, taasi oo ah nasiib daro".

Mr Barre oo shaaciyey in gebi ahaanba daaqada laga saarey Imtixaankii lasoo galay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa tilmaamay in mid cusub la qaadi doono 27-ka May ee sanadkaan 2019.

"Meelaha qaarkood waxaad la socotaa in lacag lagu kala qaadanayey, waana nasiib daro, in Imtixaankii lagu qiimeynayay bulshada Soomaaliyeed uu qof hunguri ka raadiyo waliba bil Ramadaan," ayuu raaciyey.

Imtixaanka oo bilowday Sabtidii lasoo dhaafay ayaa waxaa u fadhiisatay in ka badan 30-kun oo arday guud ahaan wadanka, sida ay wasaarada waxbarashada federaalka ah ay ku dhawaaqday.

"Waxaa nasiib daro ah in waalidiinta ay ka qayb qaateen iibinta Imtixaanka," ayuu ku daray, isaga oo raaciyey "Waxaa kaloo nasiib daro in arday soo dadaalay uu soo ak-fadhiisto mid isku helaynaya in uu soo gatay Imtixaan.

Wasiirka ma uusan soo hadal-qaadin talaabada laga qaadi doono cida mas'uulka ka ahayd in Imtixaanka dowlada suuq madow lagu iibiyo, isla markaana lagu arkay qaarkood baraha bulshadda.

Balse waxa uu iclaamiyey go’aano cusub oo lasoo rogay inta lagu guda jiro maalmaha uu socdo Imtixaanka cusub.

"Hadaba, wasaaradu waxay go’aan ku gaartay in Imtixaanadii hore la baaba'shay mid cusubna la qaadi doono 27-da May illaa iyo 31-da. Shantaasi maalin ma jiri doonan wax baro bulsho ah [Internet-ka ayaa la xanibayaa]," ayuu xusay.

Soomaaliya ayaa waxaa horey u soo maray kiisas noocaan ah oo la xiriira in la dusiyey Imtixaanka dowladda, balse talaabooyin aan ahayn la hakiyey ma aysan qaadin mas'uliyiinta.

Nidaamka waxbarasho ee Soomaaliya ayaa haatan ah mid uu dib u habeyn ku socdo, gaar ahaan goobaha waxbarashada, kuwaasi oo lagu dayac-tirayo taageero maaliydeed oo caalamka ka timid.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xili dowlad Puntland oo qaadacday Imtixaanada ay wasaarada waxbarashada federaalka qaado waxay ku dooday in qishka uu yahay wax iska caadi ah, musuq-maasuq baahsana uu jiro.

MUUAQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM