DFS oo Jubbaland ku eedaysay qaraxii Kismaayo [Dhageyso]

Image

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeenta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Geedi oo la hadlay  VOA ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay Magaalada Kismaayo oo ay ku waxyeeloobeen ciidamo badan ay ku tuhmayaan madax ka tirsan dowladda Jubbaland.

Geedi ayaa hoosta ka xariiqay in ay dhici karto in Madax ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland ay fududeeyeen isla markaana wax ka ogaayeen weerarka ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay jaamacadda Kismaayo.

“Shakiga badan waxaa uu dadka galay markii xerada laga watay sargaal kamid ahaa saraakiishii weerarka ka badbaaday oo gaariga madaxweyne kuxigeenka Cabdiqaadir Luga dheere lagu qaaday kadibna la toogtay, waxaa kale oo gagaa la socday Iftin Xasan Baasto”Ayuu yiri Geedi.

Wasiirka warfaafinta dowladda Jubbaland oo dhankiisa la hadlay VOA ayaa eedeyntaasi iska fogeeyay, waxaana uu sheegay in qaraxaasi ay geeysteen Al-shabaab dilka sargaalkana baaris ku hayaan.

Garoweonline.com

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM