DFS oo Jubbaland ku eedaysay qaraxii Kismaayo [Dhageyso]

Image

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeenta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Geedi oo la hadlay  VOA ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay Magaalada Kismaayo oo ay ku waxyeeloobeen ciidamo badan ay ku tuhmayaan madax ka tirsan dowladda Jubbaland.

Geedi ayaa hoosta ka xariiqay in ay dhici karto in Madax ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland ay fududeeyeen isla markaana wax ka ogaayeen weerarka ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay jaamacadda Kismaayo.

“Shakiga badan waxaa uu dadka galay markii xerada laga watay sargaal kamid ahaa saraakiishii weerarka ka badbaaday oo gaariga madaxweyne kuxigeenka Cabdiqaadir Luga dheere lagu qaaday kadibna la toogtay, waxaa kale oo gagaa la socday Iftin Xasan Baasto”Ayuu yiri Geedi.

Wasiirka warfaafinta dowladda Jubbaland oo dhankiisa la hadlay VOA ayaa eedeyntaasi iska fogeeyay, waxaana uu sheegay in qaraxaasi ay geeysteen Al-shabaab dilka sargaalkana baaris ku hayaan.

Garoweonline.com

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM