DFS oo ka gaabisay xal u helista Masjid mudo u xiran khilaaf [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Masaajidka Jaamacul Ibi, oo sidoo kale loo yaqaano Masjidka Yaa-Sheyga ayaa ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Shibis ee gobolka Banaadir, ayaa xiran tan iyo markii la dhisay oo laga joogo muddo Lix sano ah.

Sababta ayaa la sheegay inay salka ku hayso is-faham waa soo kala dhex-galay Guddigii dhisay iyo Culimada xaafada uu ku yaalo, taasi oo keentay in maamulka degmada uu soo fara-geliyo, lana wareego furaha.

Qaasim Xaaji Naaji, mu'adinka Masaajidka tan iyo markii la dhisay sanadkii 1993-dii, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin xal laga gaaro khilaafka taagan, isaga oo ku baaqay in si deg deg ah loo furo.

Qaar kamid ah culimada oo ka hadlay dareenkooda ayaa muujiyey walaac ay ka qabaan xir-naansha Masaajidka, iyaga oo afka ku balaariyay in dowladda gudbiyeen dhowr jeer cabasho, balse aanan loosoo jawaabin.

Wasaaradda Awqafta iyo Arrimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayey si gaar ah farta ugu fiiqay inay udireen codsiyo kala duwan, balse aanan wali arkin cid ka socta dowlada oo utimaadda.

Jameecada Masaajidka oo haatan ku tugta banaanka Masjidka oo waramay dhinacooda waxay ka dalbadeen dowladda talaabo deg deg ah oo ay ka bixiso baaqooda dhawaqa culus wata.

Ma cadda sababta ay wasaaraddu uga soo jawaabi la'adahay cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, balse waxay qayb ka tahay arrimaha muhiimka ah oo waajibaadka uu ka saarnaa laakiin oo ay gabtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM