DFS oo xayiraadyo kusoo rogtay Kenyaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay soo rogtey talaabooyin dheeraad ah kana dban ah muwaadiniinta iyo diblumaasiyiinta waddanka deriska la ah ee Kenya.

Muwaadiniinta Kenyaanka ah ayay ku wargelisay in ay soo codsadaan dal ku galka waddanka kahor inta aysan waddanka soo gaarin. Tani waxay ka saareysaa fiisihii Muqdisho ku heli jireen.

Sidoo kale, diblumaasiyiinta Kenyaanka ah ayay ku wargelisay in muhiim ay tahay in ay ogolaanshiyo u helaan safarkooda kahor inta aysan soo caga-dhigan guud ahaan dalka si gaar ah Muqdisho.

Xayiraadahan cusub ayaa kusoo hagaagaya xilli xiisadda diblumaasiyadeed ee labada dal ay sii cuslaatay bilooyinkii u dambeeyay isla markaana safiirada labada dal ay ku kala noqdeen caasimaddaha.

Xukuumadda Muqdisho ayaa dhigeeda Nairobi waxay ku eedeysay faragelin arrimo gudaha iyo cadaadis ay ku hayso hogaanka Jubaland si ay u qaadacaan geedi u socodka heshiiska doorashadda.

Jubaland iyo Kenya ayaa iska fogeeyay eedeymahaas. Sidoo kale, waxay carabka ku adkeeyeen in ay taageerayaan heshiiska doorashooyinka ee lagu gaarey magaala madaxda waddanka.

Midowga Murashaxiinta Soomaaliya oo sheegay in Farmaajo uu rabo in uu ololaha ku galo Kenya naceybnimo isagoo kalkii hore ku galay Itoobiyaan-diidmo ayaa uga digay in uu siyaasadda arrimaha dibada ololaha u adeegsado.

Qoraalka dowladda Soomaaliya

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM