DFS: Weerarkii Masjidka New Zealand waa fal argagixiso oo fulaynimo ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii lagu qaaday labo masjid oo ku taalla magaalada Christchurch ee New Zealand.

Falkaan oo uu caalamka si wadajir ah uga dhiidhiyay ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa mid argagixisinimo, oo ay geysteen dabley cunsiri ahayd.

Inta la xaqiijiyay 49 ruux oo Muslimiin ah oo ku oogaysay Masaajidaasi Salaada Jimcada ayaa si arxan daran loogu xasuuqay duulaankaasi.

"Soomaaliya oo midnimo u muujineysa dowlada New Zealand waxay u rajeynaysaa kuwa dhaawaca ah soo kabasho deg deg ah," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xukuumada federaalka ah.

Sidda ku cad bayaanka, Soomaaliya ayaa ku baaqeysa baaritaan dhab ah oo lagu sameeyay "falkaan argagixisnimo ee foosha xun".

"[Weerarka] waxaa loo aqoonsan karaa in uu yahay fal argagixisnimo oo fulaynimo ah," ayaa laga soo xigtay war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii, dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dalalka Islaamka ku tartarsiisay in isu kaashadaan sidii loo ciribtiri lahaa Islaam-naceybka.

Xasuuqii Masaajida Christchurch oo dadka lagu dilay ay Soomaali ku jiraan ayaa kooxihii geystay waxay si toos ah uga baahinayeen howlgalkooda baraha bulshada, taasoo su'aallo dhalisay.

Booliska ayaa sheegay in lasoo xiray afar ruux, kuwaasi oo mid kamid ah lagu soo oogay dacwad la xiriirta weerarkaasi, halka kuwa kale baaritaano uu ku socdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM