Dhageysiga dacwda badda Soomaaliya iyo Kenya oo bilaabatay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhageysiga dacwadda badda wadamadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa Isniinta maanta ah ka bilaabatay xarunta Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee Hague ee waddanka Holland.

Kenya ayaa ka maqan fadhigan oo ah kii ugu dambeeyay oo ICJ ay ka yeelato gal-dacwadeedkan aadka isha loogu hayo isla markaana kadib uu bixi doono go'aanka ugu dambeeya ee kiiskan.

Madaxweynaha maxkamadda cadaaladda aduunka ICJ ee Joan Donoghue ayaa diidey dalabkii shalay ka yimid Kenya ee ahaa in loo ogolaado in ay hadasho 30 daqiiqo kahor hadaljeedinta Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] oo kamid ah guddiga Soomaaliya ku metelaya dood afeedka kiiskan, ayaa jeediyey khudbadda Soomaaliya.

Intii ay socotay hadaljeedinta, Mahdi ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta Kenya in ay isku dayeen marin-habaabinta dooda Soomaaliya ee kiiskan soo bilowday bishii August ee sanadkii 2014-tii.

Mahdi ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay kalsooni buuxda ku qabto in ICJ ay "go'aan cadaalad ah" kasoo saari doonto dacwadan. Xukunka wuxuu soo bixi doonaa ugu yaraan 6-7 bil kadib.

Dhageysiga maanta bilowdayoo ku kooban dood afeed ay dhinacyadda kusoo bandhigayaan caddeymaha doodooda ayaa wuxuu socon doona illaa 19-ka bishan Maarso ee sanadkan aan ku jirno ee 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM