Dhageyso: Nin Lagu Diley Hotel Naasohablood2 Xubno Qoyskiisa Kamid Ah

Image

Saraakiil dawladda Soomaaliya ah iyo hawlwadeennada caafimaadka ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof ay ku dhinteen weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdishu 45 kalena ay ku dhaawacmeen.


Dadka dhintay ayaa la sheegay inay u badan yihiin rayid shacab ah oo huteelkaais ku sugnaa iyo kuwo jidka marayey.


Waxaa kale oo la xaqiijiyey in dadka dhintay ay ku jiraan carruur qaarkood ay jiraan dhowr bilood.


Shacabkaasi dhintay waxaa ka mid ah qoys ay ka geeriyoodeen afar xubnood oo iksugu jira afar carruur ah iyo ayeydood. Saddex qof oo kale oo isla qoyska ah ayaa dhaawacmay.


Wareysigaan ayaa waxaa qaadey Haaruun Macruuf oo khadka telefoonka kula xiriirey aabaha wiil lix bil jir ah oo lagu dilay weerarkaas, waxaana uu ku dhintay canuggaas xabad ku dhacday hooyadiis oo dhabteeda uu ku sugnaa. 

VOA

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM