Dhalinyaro lagu maxkamadeeyay magalada Muqdisho

Image

1 September, 2015 (GO)-Maxkamada ciidama qalabka sida ee DFS ayaa maanta riday xukuno kala duwan oo lagu fuliyay dhalin yaro loo haysto dambiyo.

Xukunka ayaa ku dhacay afar dhalinyaro ah oo qeybtood lagu xukumada 10 sano hallka la sii daayay mid ka mid ah oo la sheegay in lagu waayay wax dambi ah, waxaana ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Liiban Cali Yaroow.

Dhalinyarada la maxkamadeeyay ayaa kala ah; Cabaas Xasan Maxamed oo 16 jir ah  laguna xukumay 10 sano oo xabsi Ciidan ah, Mustaf Maxamed Cali  "Xaynoof" oo 21 jir ah  iyo Cabdiraxmaan  Jimcaale Muuse "Yamani" oo 19 jir ayaa lagu lagu xukumay 6 bilood oo dhaqan celin ah, waxaana dambi lagu wayay Shaafici Xasan Maxamed oo 15 jir ah.

Maxkamada ciidama qalabka sida ee Somalia ayaa horey u ridey xukuno kala duwan oo isugu jirey dilal iyo xabsiyo ciidam.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM