Dhaq dhaqaaq Ciidan oo ka socda Shabeellaha hoose

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Saddex xubnood oo katirsan Al Shabaab ayaa lagu dilay, 4 kalena waa lagu dhaawacay howlgalka Military ee ka socda gobolka Shabeellaha hoose, ee koonfurta Soomaaliya.

Jeneral Cabdullahi Cali Caanood, abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in howlgal ka dhacay Tuulada Basra oo ku dhaw degmad Balcad lagu dilay xubnahaasi katirsanaa Kooxda Al shabaab.

Basra waxay kamid tahay afar tuulo oo Todobaadkan laga saarey Al Shabaab, waxaana xalay weerar rogaal celis ah kusoo qaadey Kooxdan oo isku dayaysa inay dadka deegaanka ka aruuriso Zako xoog ah.

Saraakiisha ciidamada ee ku jira howlgalka waxay sheegeen in Al Shabaab ay kordhisay weeraradeeda kadib markii dib looga qabday goobo muhiim u ahaa oo ku yaalla inta u dhaxaysa Afgooye iyo Balcad.

Xoogaga Al Shabaab iyo Ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya ayaa xalay isku fara-saarey duleedka Basra, kadib markii weerar lagu soo qaadey saldhigyada ciidanka.

Caanood wuxuu xusay in dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda gobollada Shabeellooyinka ay qeyb ka yihiin diyaar-garowga duulaanka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo ee ka dhanka ah Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM