Dhaq dhaqaaq Ciidan oo ka socda Shabeellaha hoose

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Saddex xubnood oo katirsan Al Shabaab ayaa lagu dilay, 4 kalena waa lagu dhaawacay howlgalka Military ee ka socda gobolka Shabeellaha hoose, ee koonfurta Soomaaliya.

Jeneral Cabdullahi Cali Caanood, abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in howlgal ka dhacay Tuulada Basra oo ku dhaw degmad Balcad lagu dilay xubnahaasi katirsanaa Kooxda Al shabaab.

Basra waxay kamid tahay afar tuulo oo Todobaadkan laga saarey Al Shabaab, waxaana xalay weerar rogaal celis ah kusoo qaadey Kooxdan oo isku dayaysa inay dadka deegaanka ka aruuriso Zako xoog ah.

Saraakiisha ciidamada ee ku jira howlgalka waxay sheegeen in Al Shabaab ay kordhisay weeraradeeda kadib markii dib looga qabday goobo muhiim u ahaa oo ku yaalla inta u dhaxaysa Afgooye iyo Balcad.

Xoogaga Al Shabaab iyo Ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya ayaa xalay isku fara-saarey duleedka Basra, kadib markii weerar lagu soo qaadey saldhigyada ciidanka.

Caanood wuxuu xusay in dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda gobollada Shabeellooyinka ay qeyb ka yihiin diyaar-garowga duulaanka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo ee ka dhanka ah Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM