"Fadeexadii" u horeysay oo lala xiriiriyey guddiga doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiyiinta gobolada waqooyi ayaa guddoomiyaha guddiga doorashooyinka federaalka ku eedeeyay kala jabka guddiga maamulaya xulista wakiilada maamulka gooni-isu-taaga ah ee Somaliland.

Maxamed Cirro ayay xuseen in uu ka baxay dhexdhexaadnimada. Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayay cod dheer kaga dalbadeen in uu soo farageliyo xalka khilaafkan.

Wasiirkii hore ee warfaafinta ahna mudane ka tirsan Aqalka Hoose ee waqtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin guddi eex sameeyay.

"Waxaan Caddeyneynaa in guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cirro uu u dhaqmay si mas'uuliyad darro ah oo aan kalsooni lagu qabi-karin waayo guddigii SEIT ee Soomaaliland isagaa kala jabiyey," ayuu yiri Maareeye.

Xildhibaan Cabdifitaax oo kamid ah sharci-dejiyeyaasha shirka jaraa'id ka hadlay ayaa su'aal geliyey dhexdhexaadnimada guddoomiye Cirro haddii ay la safteen dhinac kamid ah garabyada is haya.

"Waxaad cabirtaa guddoonka si caddaalad ah u qaban kari waayey doorashada 8-xubnood ma u maleyneysaa inay maamuli karaan doorashada 329-xildhibaan oo 5-maamul-goboleed, Somaliland iyo gobolka Banaadir ka kala dhacaysa," ayuu xusay.

Dhanka kale, guddoomiye Cirro ayaa illaa haatan wuxuusan ka jawaabin eedeymaha kaga timid mudaneyaasha gobolada waqooyi. Isku dayo warsidaha Garowe Online ku doonayey in uu ku. helo guddiga ma guuleysan.

Is-qabqabsiga ka taagan guddiga doorashada gobolada waqooyi oo kalkii hore lagu xaliyey qaab siyaasi ah ayaa u muuqaneysa in ay noqoneyso utin kale oo dib-u-dhac ku keeni karta jadwalka loo qabtey doorashooyinka qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM