Dhinacyada isku Khilaafsan Galmudug oo lagu heshiisiinayo Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta kula kulamy xafiiskiisa dhinacyada isku haya siyaasadda maamulka Galmudug.

Wararka aan ka helayno Villa Soomaaliya, ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Xalay Kulamo gooni gooni ah la yeeshay labada dhinac, isagoo kala hadlay soo afjarida xiisadaha ka taagan Galmudug.

Kulanka hore wuxuu Madaxweynaha la qaatey Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Maalin.

Sidoo kale, waxa uu qaabilay Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf" oo isla arinta Galmudug iyo qaabkii looga gudbi lahaa dhibaatada taagan kala hadlay, waxaana labada dhinac aqbaleen in la dhex-dhexaadiyo.

Illo-wareedyo ku sugan Madaxtooyada ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu rajo wanaagsan ka qabo Xalinta Khilaafka Galmudug, oo dhinac ay dowladdiisu taageertay.

Waxaa socda hadda qorsho la doonayo in si fool-ka-fool ah la isku soo hor-fariisiyo labada dhinac, oo la doonayo inay dib usoo celiyaan wadashaqeyntii ka dhaxaysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM