Dhismaha safaarada Soomaaliya ee Kenya oo la xirayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa Khamiista maanta ah waxay bilowday in ay dhaqan-geliyso shaqo-joojintii ay ku dhawaaqdey bartamihii todobaadkan kadib go'aanka dowladda federaalka ah.

Illo wareedyo loo-qaateen ah ayaa xaqiijiyey in diblumaasiyiinta safaaradda oo tiradoodu gaareyso 18 diblumaasi ay magaala madaxda waddanka ee Muqdisho ku laaban doonan ugu dambeyn Isniinta asbuuca dambe.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in shaqaalaha safaaradda oo dhan 46 ay dhankooda baaqi kusii ahaan doonan guriyahooda illaa amar dambe.

BBC-da ayaa ku warantay in dhismaha safaaradda albaabadda la isugu dhufan doono kadib bixitaanka diblumaasiyiinta iyo fasaxa shaqaalaha.

Tani ayaa dharbaaxo ku ah Soomaalida iyo dadka kale ee adeegyadda ay bixiso safaaradda ay muhiim u ahayd sidda fududeynta baasaboorka.

Talaabooyinkan ayaa daba socday go'aankii ay xukuumadda Muqdisho xiriirka diblumaasiga ah ugu jartay dhigeeda Nairobi oo ay ku eedeysay "ku xadgudub madax-banaanida iyo sharafta Soomaaliya waliba si joogto ah".

Cismaan Dubbe, wasiirka warfaafinta oo go'aankaas ka shaaciyey telefishinka ku hadla afka dowladda, ayaa intaas ku daray in diblumaasiyiinta Kenya la faray in ay waddanka kaga baxaan muddo todoba maalmood gudaheeda ah.

Go'aanka ay dowlada Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya ayaa wuxuu yimid xilli ay Nairobi booqasho saddex casho ah ku tageen wafdi Somaliland oo uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Cilaaqaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa hoos-u-dhacay tan iyo markii uu xukunka qabtay madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisu sii dhamaanayo, waxaana ugu wacan Villa Soomaaliya oo dano gaar ah wadata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM