Dhuusomareeb: shan wariye oo dib xoriyaddooda u helay

Image

August 3, 2015 (GO)- Shan wariye oo muddo 48 saacadood ah ku xirnaa degmada Dhuusomareeb ayaa xalay damiin lagu sii daayey.

Wariyeyaashan oo wakiillo u ah idaacado iyo telefishino isugu jira maxalli iyo caalami, waxaa xabsiga dhigay saraakiisha Ahlu Sunna, kadib markii lagu soo eedeeyey inay tebiyaan war been abuur ah oo ku saabsan in degmada Dhuusomareeb lagu qabtay dibadbax lagu taageerayo maamulka Galmudug.

Shanta wariye waxaa lagu kala magacaabaa: Maxamed Deeq Cabdi Maxamed, Bashiir Sanka, Cabdi Jamaal Macalin Axmed, C/laahi Warsam Rooble,  Nafiso Xersi Oogle, Leylo Nuur Cilmi.

Nafiso Oogle oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in mid kamid ah wariyeyaasha la xiray uu xabsiga dhexdiisa ku xanuunsaday balse hadda xaaladiisu wanaagsan tahay.

Ku dhowaad toban wariye aya saddexdii bilood ee ugu dambeeyey lagu xirxiray isla degmada Dhuusomareeb, arrintaas oo ururada xuquuqda warbaahinta u ololeeyaa si weyn u cambaareeyeen.

Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa sidoo kale warbaahinta deegaanada ay maamulaan ka hawlgasha waxay ku amreen inaysan tebin karin wararka ku saabsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ee dhowaanta degmada Cadaado lagu dhisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM