Dib-u-dhac doorashada iyo siyaasadaha ku hareereysan
MUQDISHO, Soomaaliya – Labada bilood ee 27-dii May ay hogaamiyeyaasha Soomaalida ku heshiiyeen in doorashooyinka ku qabsoomaan ayaa dhamaatay, iyadda oo wali ay qabyo yihiin qodobo waaweyn oo xal kama dambeys ah u baahan.
Madaxda Soomaalida – ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble iyo madaxwayneyaasha maamulada oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Filish, ayaa Sabtida soo aadan ku kulmaya caasimada.
Kulankan ayaa kalkii hore wuxuu qorshuhu ahaa in uu ku qabsoomo magaala madaxda ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo. Balse, Garowe Online wuxuu ogaadey in arrintaas uu kasoo horjeestay madaxweynaha waqtiga ka dhacay.
Rooble ayaa, sida GO fahansan yahay, wuxuu taageeray diidmada Farmaajo, iyadda oo hogaamiyaha Galmudug, Axmed Qoor-qoor, uu qaatay mowqif u jaranjeera Farmaajo. Waana sababta keentay in mar kale lagu soo laabtay Muqdisho.
"Farmaajo wuxuu diidmada ka damacsanaa in uu dabin u dhigo Deni iyo Axmed Madoobe. Wuxuu doonayay in ay diidaan kusoo laabashada Muqdisho. Hase ahaatee, waxaa muuqaneysa in uu ku hungoobay jilaafadaas," ayuu yiri mid kamid ah dadka sida dhow ula socda wadahadaladda.
Ajendaha shirka soo aadan
Iyadda oo xafiiska ra’iisul wasaaruhu faafiyey "in lagu dardargelinayo arrimaha doorashooyinka," haddana waxaa jira qodob qarsoodi ah oo lagu lafa-guri doono wadaxaajoodyadda, sida ay caddeeyeen dhowr illo wareedyo loo qaateen ah.
Qodobkaas ayaa, sida ay macluumaadyadda qeexayaan, waa in doorashadda ka dhacdo hal magaalo doorasho. Soojeedintan waxay ka imaaneysaa qaar kamid ah xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka.
"Rooble wuxuu damacsan yahay in aqbalida qodobkaas uu ku bedesho in muddo 90-casho dheeraad ah loogu daro arrimaha qabsoomida doorashooyinka," ayay ku darayaan dadka xog ogaalka ah ee la socda arrimaha doorashooyinka.
Inkasta oo mudadii u dhaxeysa 60-da casho ay qabsoomeen shaqooyin ay kamid tahay kala-shaandheynta guddiyadda, haddana waxaa jiray gaabis badan oo ka dhashay is-jiid-jiid ka dhashay xubnaha la saarayo iyo kuwa la dhaafayo.
Doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey wuxuu qorshuhu u ahaa in ay kala qabsoomaan 27-da December, 2020 iyo 8-da Febraayo, 2021, balse waxaa dib-u-dhigay is-mari-waaga raagay iyo kala qeybsanaan culus.
GAROWE ONLINE