Dib u dhac ku yimid Doorashada Madaxweynaha HirShabelle

Image

JOWHAR, Somalia - Waxaa dib u dhac uu ku yimid Doorashada Madaxweynaha maamulka HirShabelle, oo lagu waday inay dhacdo maalinta Talaadado ah ee soo socota (12-ka September), kadib markii ay soo baxeen caqabado kala duwan. 

Gudiga Doorashada ayaa shaaciyay in Doorashada ay dhici doonto 16-ka September, iyadoo sababta dib u dhaca ay ku sheegeen ay jiraan shaqooyin badan oo wali qabyo u ah iyo waqtiga oo aad uguu yaraadey, waxayna ka codsadeen Barlamanka in mudo afar maalmood loogu daro.

Xildhibaanada Barlamanka, ayaa la filayaa inay maanta ka doodaan codsiga Gudiga Doorashada usoo gudbiyay ee dib u dhigista Doorasada Madaxweynaha HirShabelle.

Sida dastuurka HirShabelle uu qabo Doorashada waa in lagu qabto mudo 30-maalmood, laga soo billaabo xilligii xilka laga qaadey Cali Cabdullahi Cosoble 14-kii bishii August, oo hadda ka harsan mudo 4 maalmood oo kaliya.

Afhayeenka Barlamanka HirShabelle ayaa waxa uu sheegay in dowladda Federaalka Somalia iyo Urur goboleedka IGAD ay ku wargeliyeen dib u dhigista Doorashada, islamarkaana ay ka aqbaleen.

Murashaxiin gaaraya ilaa 8 ayaa ku sugan hadda magaalada Jowhar, kuwaasi oo dhamaantood kasoo wada jeeda Beesha Xawaadle, oo loo gaar yeelay xilka Madaxweynaha, sida uu dhigayo xeerka awood qeybsiga maamulkaasi oo lagu saleeyay 4.5.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM