Dib u dhac ku yimid Doorashada Madaxweynaha HirShabelle

Image

JOWHAR, Somalia - Waxaa dib u dhac uu ku yimid Doorashada Madaxweynaha maamulka HirShabelle, oo lagu waday inay dhacdo maalinta Talaadado ah ee soo socota (12-ka September), kadib markii ay soo baxeen caqabado kala duwan. 

Gudiga Doorashada ayaa shaaciyay in Doorashada ay dhici doonto 16-ka September, iyadoo sababta dib u dhaca ay ku sheegeen ay jiraan shaqooyin badan oo wali qabyo u ah iyo waqtiga oo aad uguu yaraadey, waxayna ka codsadeen Barlamanka in mudo afar maalmood loogu daro.

Xildhibaanada Barlamanka, ayaa la filayaa inay maanta ka doodaan codsiga Gudiga Doorashada usoo gudbiyay ee dib u dhigista Doorasada Madaxweynaha HirShabelle.

Sida dastuurka HirShabelle uu qabo Doorashada waa in lagu qabto mudo 30-maalmood, laga soo billaabo xilligii xilka laga qaadey Cali Cabdullahi Cosoble 14-kii bishii August, oo hadda ka harsan mudo 4 maalmood oo kaliya.

Afhayeenka Barlamanka HirShabelle ayaa waxa uu sheegay in dowladda Federaalka Somalia iyo Urur goboleedka IGAD ay ku wargeliyeen dib u dhigista Doorashada, islamarkaana ay ka aqbaleen.

Murashaxiin gaaraya ilaa 8 ayaa ku sugan hadda magaalada Jowhar, kuwaasi oo dhamaantood kasoo wada jeeda Beesha Xawaadle, oo loo gaar yeelay xilka Madaxweynaha, sida uu dhigayo xeerka awood qeybsiga maamulkaasi oo lagu saleeyay 4.5.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM