Dib-u-dhac ku yimid shirkii hogaamiyeyaasha Soomaalida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulankii lagu wadday in uu maanta uu Muqdisho gaar ahaan xerada Afasiyooni ku dhexmaro madaxda Soomaalida ayaa dib-u-dhac uu ku yimid, sidda ay baahisay warbaahinta dowladda.

Wakaaladda wararka Qaranka ee SONNA ayaa tabisay in dib-u-dhaca uu salka ku hayo socdaalka madaxweynaha Galmudug ugu ambabaxay magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta KMG ah ee maamulkiisa.

Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa shalay u duulay Dhuusamareeb si uu u soo cusbooneysiisto mudada dastuurka maamulkaas u ogolaanayo in uu degaanada maamulkaas ka maqnaado oo ah afartan iyo shan casho.

"Madaxda ayaa lafilayaa in shirka ay isugu soo laaban doono maalinta barri ah 7- da Bisha," ayaa lagu yiri warbixin ay SONNA ku daabacdey ciwaankeeda shaqsiga ah ee baraha bulshadda sidda Facebook-ga.

Dhanka kale, Qoorqoor ayaa lagu qeexay caqabada ugu weyn ee shirka u socda dowladda federaalka iyo maamuladda kaasoo xal loogu goobayo is-mari-waaga ka taagan qabsoomida doorashooyinka madaxtiniamda.

Illo wareedyo ku dhow kulanka Afasiyoone oo u waramay warsidaha Garowe Online waxay xuseen in Qoorqoor mar ku hanajabey Inuu ka baxayo shirka isagoo taageero u muujinaya Madaxweynaha xilkiisu dhamaadey.

Shirka Afasiyooni oo laba maalmood horey u qabsoomay ayaanan miradhalin wali. Ka qeybgaleyaashu waxay is-faham buuxa ka gaari waayeen qodobadda xudunta u ah khilaafka ee u baahan in ajandaha lagu daro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM