Dib-u-dhac ku yimid socdaalka Çavuşoğlu ee Soomaaliya

Image

ANKARA, TURKEY – Socdaal uu wasiirka arrimaha dibada Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu, ku gaari lahaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa dib-u-dhigay, sida uu daaha ka rogay dhigiisa Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Inkasta oo uusan soo bandhigin waqtiga la qorsheeyay booqashadaas, Cabdirisaaq ayaa si kooban wuxuu u sababeeyay baaqashadda diblumaasiga ugu sareeya Ankara.

"Waxay ahayd in uu soo booqdo Soomaaliya. Hase ahaatee, xaalado aan ku talogal ahayn ayaa dib-u-dhigay. Balse, casuumaadaas wali way jirtaa," ayuu u sheegay barnaamijka One-on-One ee telefishinka Turkida ee TRT World.

Cabdirisaaq iyo Çavuşoğlu ayaa waqti xaadirkan waxay ku sugan yihiin magaalada Antalaya ee koonfurta Turkey halkaas oo ay kaga qeybgalayaa madal sanadle ah oo diblumaasiyadeed.

"Waxaan wada yeelan doonaa kulan doceed ay uga wadahadleyno xiriirka labada wadan dibna ugu eegayo cilaaqaadkeena. Turkiga waxaan la leenahay iskaashi dhanka amniga, waxayna tababareen ciidankeena," ayuu xusay.

Soomaaliya v Kenya

Intii wareysiga uu socday, Cabdirisaaq oo wax laga waydiiyey xiriirka xumaadey Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya ayaa tibaaxay in isu-soo-dhowaanshiyihii u dambeeyay ay astaan u tahay in hogaanka labada dal ay bog cusub furayaan.

"Waxa aan hadda rajeynayno waa in aan sii wanaajiyo xiriirkeena kana wadahadalno amniga, ganacsiga, isu-socodka labada shacab; labadan dal waa kuwa waligood sii ahaan doona deris mana sii yeelan karno xiriir aan shaqaynayn. Qadiyadaha aan rabno in aan kawada hadalno waa in aan u wajahnaa si dhab ah," ayuu hadalkiisa ku daray diblumaasiga ugu sareey dalka.

Kiiska askarta Eritrea

Isaga oo ganafka ku dhuftey wararka sheegaya in askar Soomaali ah ka dagaalameen waqoyga Itoobiya, wasiir Cabdirsaaq ayaa ku adkeystay in guddiga ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble u saarey qadiyadan ay soo gudbinayaan natiijo sugan.

"Marinhabaabino badan way jiraan. Qaddiyadan waanu kaga hadalnay madalo kala duwan. Si loo xaqiijiyo tani, ra’iisul wasaaraha wuxuu magacaabay guddi ka kooban milatari iyo diblumaasiyiin si ay u eegaan dhacdadan ayna runta u soo bandhigaan shacabka Soomaaliyeed," ayuu tilmaamay.

Kulankii u dambeeyay ee Rooble la yeeshay danjiraha Imaaraadka Carabta ayuu xaqiijiyey in uu qeyb ka ahaa dedaalada maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo ku saxayo gefafa diblumaasiyadeed ee intii xilka hayey ka dhacay.

Maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku dhacay qaladaad diblumaasiyadeed. Dalal Soomaaliya saaxiib soo jireen lahaa ayuu geeska u diray, isaga oo xeerinaya danahiisa shaqsiga ah, sida la sheegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo u ogolaatay Itoobiya inay qeyb ka noqoto AUSSOM

Taliyeyaasha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto dhismaha awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 07:11PM

Madaxda Sirdoonka iyo Militeriga Itoobiya oo booqday Muqdisho

In kasta oo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer joogeen Soomaaliya, heshiiskani wuxuu muujinayaa iskaashi rasmi ah iyo qaab-dhismeed leh.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 12:41PM