Heshiiska Shirkada FAVORI ee Garoonka Muqdisho oo dib u eegis lagu sameynayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkada FAVORI oo laga leeyahay wadanka Turkiga waxay gacanta ku haysaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.

Heshiiska u ogolaanaya inay maamusho oo la saxiixay sanadkii 2013-kii, xiligii dowladii Xasan Sheekh, waxaa ku qornaa inay waxyaabo badan kusoo kordhin doonto adeegyada madaarka oo qaarkood ay fulisay.

Balse, waxaa wali harsan waxyaabo kale oo qandaraaska ku jira, balse aanan la fulin sida; dhisitaanka Tarminaal cusub iyo balaarinta madaarka, sida uu qiray Wasiirka Duulista Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad [Omaar].

Oomaar oo haatan ku sugan wadanka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay dowladdu dib-u-eegis ku sameyn doonto heshiiskani, si loo eego qodobada la fuliyay, kuwa aan la fulin iyo in lagu daro kuwa cusub.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray inay dowladdu ka go’an tahay sidii loo casriyeen lahaa madaarka Aadan Cadde, kaasi oo bilooyinkii u dambeeyay soo jiitay duulimaadyo caalami ah.

“Turkiga waxaanu unimid inaan la kulano madax ay ku jiraan kuwa Shirkada FAVORI ee maamusha garoonka Aadan Cadde, si aan dib u eegis ugu sameyn heshiiska,” ayuu wasiir Oomaar u sheegay saxaafadda.

Hadalka wasiirka Duulista Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa xili lagu eedeeyay maamulka Shirkada FAVORI inay wax is-dabamarin baahsan ku sameeyaan dhaqaalaha kasoo xarooda garoonka maalinkii.

Lama ogga hadii qodobada dib u eegista lagu sameynayo ay qayb ka tahay arrintaani, xili ay intaasi dheer tahay inay jiraan cabashooyin kale oo kasoo yeeraya shaqaalaha Soomaalida ah ee la shaqeeya.

Sikastaba, qandaraaska ay Shirkada FAVORI ku maamuleyso gigada caalamiga ah ee diyaaradaha Muqdisho, Aadan Cabdulle Cusmaan, ayaa wuxuu dhacayaa dabayaaqada sanadkaan, xili aanan la ogayn hadii loo kordhin doono.

FAVORI L.L.C. waxay dalka timid 2013, kadib markii uu heshiiska la galay Wasiirkii hore ee  Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, Cabdullaahi Cilmooge Xirsi xilligii dowladdii hore ee uu hogaaminayay Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM