Dib-u-furida safaarada Somalia ee Riyadh oo laga shiray

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dib-u-furida safaarada Soomaaliya ee Riyadh ayaa kamid ah qodobada lagu lafa-guray kulan ballaaran oo Talaadada maanta ah ka dhacay xafiiska ra'iisul wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta.

Wadaxaajoodyadaas ayaa u dhaxeeyay mas'uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka ah iyo wafdi ka socday boqortooyada Sacuudi Carabiya kuwaas oo booqasho aan lasii shaacin ku yimid magaala madaxda dalka.

Xafiiska ra'iisul wasaaraha oo bixiyey tafaasiil kooban oo ku saabsan kulankan ayaa ka dhawaajiyey in wafdiga uu qaabilay wasiiru-dowlaha xafiiska wasiirka koowaad Mr Cabdixakiim Xasa Ashkir.

"Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha XFS Mudane  Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa la kulmay wefdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka & Iskaashiga labada dal iyo dib u furista safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska ra'iisul wasaaraha.

Xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa hooseeyay tan iyo markii 2017-kii xilka madaxweynaha loo doortay Farmaajo kaasoo isaga iyo agaasimihiisa sirdoonka, Fahad Yaasiin, ay gacansaar dhow la leeyihiin Qadar.

Bishii September, 2019, dowlada Sacuudiga ayaa diidey in ay aqoonsato safiir cusub oo Farmaajo u magacaabay Riyadh kaasoo ahaa Ashirka maanta ah wasiiru-dowlaha xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Illo diblumaasiyadeed ayaa xusaya in diidmada Ashkir iyo mas'uuliyiin kale ay salka ku hayso xiriirka dhow ee ay la leeyihiin Dooxa. Ashkir wuxuu bedeli lahaa Daahir Maxamuud Geelle, oo hada raba in uu bedelo Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM