Dib udhac ku yimid magacaabista Wasiirada Hirshabeelle

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Waxaa markale uu dib u dhac ku yimid magacaabista Gollaha Wasiiradda HirShabeelle oo la filayay inuu maanta Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu ku dhawaaqo.

Dib u dhaca waxaa sababay khilaaf u dhaxeeya Xildhibaanada iyo Madaxweyne Waare kaasi oo salka ku haya halka laga soo xulayo Wasiirada [Baarlamaanka ama Dibaddiisa].

Madaxweynaha ayaa doonaya inuu Gollaha Wasiirada ka keeno meel ka baxsan Baarlamaanka, halka Xildhibaanada ay doonayaan in iyaga laga soo xulo, si ay isaga dhex arkaan Xukuumadda cusub.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali Guudlaawe uu ku feker yahay Xildhibaanada u ololeynaya in Baarlamaanka laga keeno Wasiiradda.

Horaantii Todobaadkan, Madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo Xildhibaano ku kulmay Jowhar ayaa sheegay inay heshiis ka gaareen khilaafka islamarkaana la siiyay Waare fursad uu kusoo magacaabo Xukuumadiisa.

Dhanka kale, Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu ku mushquulay Siyaasadda dalka, islamarkaana uu ka gaabiyay arrimo dhisamaha maamulkiisa cusub.

HirShabeelle ayaa horey ula degay Khilaaf Siyaasadeed galaaftay xilka Madaxweynihii ugu horeeyay maamulkaa, Cali Cabdullaahi Cosoble oo xasaanada ka qaadeen Xildhibaanada bishii lasoo dhaafay ee August.

Waare oo Xildhibaanada doorteen September 2017, ayaa hadda wajahaya xiisad siyaasadeed oo uu la kowsaday hogaankiisa cusub, waxaana looga fadhiyaa inuu qanciyo Baarlamaanka, islamarkaana uu soo dhiso Xukuumad loo dhan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM