Dib udhac ku yimid magacaabista Wasiirada Hirshabeelle

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Waxaa markale uu dib u dhac ku yimid magacaabista Gollaha Wasiiradda HirShabeelle oo la filayay inuu maanta Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu ku dhawaaqo.

Dib u dhaca waxaa sababay khilaaf u dhaxeeya Xildhibaanada iyo Madaxweyne Waare kaasi oo salka ku haya halka laga soo xulayo Wasiirada [Baarlamaanka ama Dibaddiisa].

Madaxweynaha ayaa doonaya inuu Gollaha Wasiirada ka keeno meel ka baxsan Baarlamaanka, halka Xildhibaanada ay doonayaan in iyaga laga soo xulo, si ay isaga dhex arkaan Xukuumadda cusub.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali Guudlaawe uu ku feker yahay Xildhibaanada u ololeynaya in Baarlamaanka laga keeno Wasiiradda.

Horaantii Todobaadkan, Madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo Xildhibaano ku kulmay Jowhar ayaa sheegay inay heshiis ka gaareen khilaafka islamarkaana la siiyay Waare fursad uu kusoo magacaabo Xukuumadiisa.

Dhanka kale, Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu ku mushquulay Siyaasadda dalka, islamarkaana uu ka gaabiyay arrimo dhisamaha maamulkiisa cusub.

HirShabeelle ayaa horey ula degay Khilaaf Siyaasadeed galaaftay xilka Madaxweynihii ugu horeeyay maamulkaa, Cali Cabdullaahi Cosoble oo xasaanada ka qaadeen Xildhibaanada bishii lasoo dhaafay ee August.

Waare oo Xildhibaanada doorteen September 2017, ayaa hadda wajahaya xiisad siyaasadeed oo uu la kowsaday hogaankiisa cusub, waxaana looga fadhiyaa inuu qanciyo Baarlamaanka, islamarkaana uu soo dhiso Xukuumad loo dhan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Koonfur Galbeed oo qabtay afar ku eedeysane dil naxdin leh oo ka dhacay Wanlaweyn

Dhacdadan ayaa mar kale soo cusbooneysiisay walaaca laga qabo kororka dilalka aargudashada iyo dagaallada beelaha ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 01:01PM

Fiqi oo sheegay in DFS tirada Ciidanka gaarsiinayso 100,000-askari si ay ula dagaallanto Al-Shabaab

Intii uu la hadlayey xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka, Fiqi wuxuu yiri, “Inta ay jiraan ciidamo shisheeye oo dalka jooga.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 09:27AM