Dibadbax rabshad wata oo Burco ka dhacay iyo mas'uuliyiin la xirxirey

Image

May 11, 2015 (GO)- Dibadbax rabshad wata ayaa ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer saacado kaddib markii Golaha Guurtida Somaliland waqtiga u kordhiyeen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Bannaanbaxan oo Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cirro ku dhawaaqey, wuxuu markii hore ku bilowdey si nabad ah inkastoo muddo kooban kaddib uu isu bedeley dibadbax fawdo wato.

 

Boqollaal dadweyne ah oo careysan ayaa xirey qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah iyagoo gubayey shaagag islamarkaana dhagxaan waaweyn iyo dhalooyin kusoo daadiyey jidadka.

Booliska ayaa xoog kala hortegey dibadbaxeyaasha, waxaana la maqlayey rasaas goos goos ah oo ciidamadu cirka u ridayeen.

Ilaa iyo hadda lama soo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay rabshadda Burco ka dhacday.

Xaruntii xisbiga Wadani ee Burco oo la xirey iyo mas'uuliyiin xabsiga loo taxaabay:

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRU ayaa xoog ku galay xarunta xisbiga Wadani ee magaalada Burco, waxayna halkaas ka kaxeysteen qaar kamid ah mas'uuliyiintii xabsiga iyo shaqaalihii kale ee goobta ka hawlgelayey.

Sidoo kale magaalada Hargeysa waxaa lagu xirey mas'uuliyiin kale oo ka tirsan hoggaanka xisbiga Wadani.

Guddi ka kooban 30 xubnood oo Golaha Guurtida  dhexdiisa laga xuley ayaa soo saarey go'aamo dhowr ah, go'aamadaas oo isla maanta cod aqlabiyad leh lagu meel mariyey waxaa ugu muhiimsan in sanad iyo toban bilood loogu daray muddo xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM