Dibadbax rabshad wata oo ka dhacay Talex iyo mas'uliyiin la xirxirey

Image

May 10, 2015 (GO)- Rabshad ayaa ka dhacday degmada Taleex kadib markii ciidamada Somaliland goor hore oo saaka ah xabsiga u taxaabeen  qaar kamid ah waxgaradka Taleex.

Xubnaha la xirey oo tiradoodu saddex ahayd waxaa kamid ah nabadoon Cabdiqaadir Abyan Koore iyo Yaasiin Cali Cabdalle (Tamaad) oo isagu ah siyaasi horay xilal kala duwan uga soo qabtey Puntland iyo Somaliland.

Mas'uuliyiinta la xirxirey waxaa lagu soo eedeeyey inay caqabad ku yihiin waan waan laga dhex wado labo beelood oo walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamey isla degmada Taleex.

Xarigga kadib,  waxaa bilowdey dibadbax rabshad wata sidoo kale dhallinyaro caraysan ayaa weeraray halka ay magaalada Talex kaga sugun yihiin mas'uuliyiin ka tiran Somaliland oo maalmihii u dambeeyey halkaas ku sugnaa.

Rasaasta cidna wax kuma noqon, haseyeeshee hal qof oo dumar ah  ayaa ku dhaawacmey dhagxaan ay dadka dibadbaxa dhigayaa tuurayeen.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Somaliland Baashe Cali Jaamac ayaa xilligan ku sugan Taleex.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM