Diblomaasiyiinta Qunsuliyadda Somalia ee Jeddah oo Muqdisho looga yaarey

Image

MUQDISHO, Somalia - Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia ayaa u yeertay diblomaasiyiinta ka howlgalaya Qunsuliyadda magaaladda Jeddah, ee dalka Sacuudiga.

Qoraal uu ku saxiixan yahay Saciid Xaaji Maxamuud, oo ku magacaaban Xoghayaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu wargeliyay dhamaan diblomaasiyiinta iyo ku-qeybsanayaasha Qunsuliyadda in mudo 30 cisho ah ku yimaadaan Muqdisho.

Amarkan ayaa la ogeysiiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre, iyadoo aan warqadda lagu sheegin sababta loogu yeeray mas'uuliyiinta Qunsuliyadda Somalia ee Jeddah.

Go'aankan ayaa imaanaya xilli Soomaali badan ay ku dhibaateysan yihiin Sacuudiga, kuwaasoo aan ka helin Qunsuliyadda adeegyada ay uga baahan yihiin, maadaama ay ku nool yihiin dal shisheeye oo caqabado badan kala kulmaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM