Digniin amni oo laga soo saarey xeebaha Soomaaliya [Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Ingiriiska ayaa ka digtay in la tago xeebaha dalka Soomaaliya, si gaar ah waxay fartay Muwaadiniinta reer UK inaanu utamashlo tegin xeebaha kala duwan ee dalka Geeska Afrika ku yaala.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska ayaa looga dalbaday Muwaadiniinta Britain in gabi ahaanba aanan usoo safrin Soomaaliya, hadii aysan jirin xaalad laga maarmaan ah.

Dadka British-ka ah ayaa loogu baaqay in marka ay soo cago dhigtaan Soomaaliya muujiyaan feejignaan dheeraad ah, ayna ka fogaadaan goobaha dadlka isugu yimaadaan.

"Waxaa jira macluumaad sirdoon oo muujinaya in kooxaha Burcad badeeda ay qorsheynayaa howlgalo ka dhan ah daddka reer Galbeed, oo ay ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya, oo isugu jira Afduub iyo dilal," ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayay carabka lagu adkeeyay bayaanka inay wali awood uleeyihiin inay ka fuliyaan Soomaaliya weeraro ay ku beegsadaan goobaha dadwaynaha isugu yimaadaan, dhismaha dowlada iyo meel walba oo ka tirsan Soomaaliya.

Digniintaan oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK oo noqoneysa tii labaad sanadkaan gudahiisa ayaa waxay kusoo beegmaysaa xili ay Shabaab kordhiyeen weerarada ay dalka ka fuliyaan..

Kaliya bishaan gudaheeda waxaa Muqdisho ka dhacay in ka badan Shan Qarax oo noocyo kala duwan ah, kuwaasoo Labo kamdi ah lagu kala wareeray xarumaha Wasaaradda Amniga, halka midka kale lagu beegsaday Kontaroolka laga galo Madaxtooyadda.

Dowladda Federaalka ayaa nan qorshe cad ka lahayn nabad-gelyadda Muqdisho, iyadoo la sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre ay isku maan-dhaafsan yihiin qaabkii loo adkeyn lahaa amaanka Magaalo madaxda dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM