Digniin amni oo laga soo saarey xeebaha Soomaaliya [Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Ingiriiska ayaa ka digtay in la tago xeebaha dalka Soomaaliya, si gaar ah waxay fartay Muwaadiniinta reer UK inaanu utamashlo tegin xeebaha kala duwan ee dalka Geeska Afrika ku yaala.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska ayaa looga dalbaday Muwaadiniinta Britain in gabi ahaanba aanan usoo safrin Soomaaliya, hadii aysan jirin xaalad laga maarmaan ah.

Dadka British-ka ah ayaa loogu baaqay in marka ay soo cago dhigtaan Soomaaliya muujiyaan feejignaan dheeraad ah, ayna ka fogaadaan goobaha dadlka isugu yimaadaan.

"Waxaa jira macluumaad sirdoon oo muujinaya in kooxaha Burcad badeeda ay qorsheynayaa howlgalo ka dhan ah daddka reer Galbeed, oo ay ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya, oo isugu jira Afduub iyo dilal," ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayay carabka lagu adkeeyay bayaanka inay wali awood uleeyihiin inay ka fuliyaan Soomaaliya weeraro ay ku beegsadaan goobaha dadwaynaha isugu yimaadaan, dhismaha dowlada iyo meel walba oo ka tirsan Soomaaliya.

Digniintaan oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK oo noqoneysa tii labaad sanadkaan gudahiisa ayaa waxay kusoo beegmaysaa xili ay Shabaab kordhiyeen weerarada ay dalka ka fuliyaan..

Kaliya bishaan gudaheeda waxaa Muqdisho ka dhacay in ka badan Shan Qarax oo noocyo kala duwan ah, kuwaasoo Labo kamdi ah lagu kala wareeray xarumaha Wasaaradda Amniga, halka midka kale lagu beegsaday Kontaroolka laga galo Madaxtooyadda.

Dowladda Federaalka ayaa nan qorshe cad ka lahayn nabad-gelyadda Muqdisho, iyadoo la sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre ay isku maan-dhaafsan yihiin qaabkii loo adkeyn lahaa amaanka Magaalo madaxda dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM