Digniin loo diray ciidanka AMSIOM ee Beledwayne

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Soomaaliya waxay wajaheysaa mudaaharaadyo rabshado wata xilli isu-soo-baxyadda dowladda looga soo horjeedo ay socdaan Asbuucii saddexaad iyadoo warbixino goobjoogayaal badan laga helay ay sheegayaan in askarta rasaas ku fureen dibadbaxayaasha.

Iska-horimaadyo rabshado wata ayaa ka qarxay waddooyinka xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Soomaaliya iyo dibadbaxayaasha ku baaqaya in la sii daayo tobanaan qof oo lagu soo qabtay howlgallo ballaaran oo amniga lagu sugayo.

Ugu yaraan, saddex qof ayaa ku dhaawacantay, oo ay ku jirto haweeney, sidda laga soo xigtay illo wareedyo dhanka caafimaadka ah.

Dibadbaxayaasha ayaa ku eedeeyay ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM in rasaas ay ku fureen iyaga oo adeegsanaya xabado nool nool, taas oo ay mucaaradka ku tilmaameen "dhacdo fool xun".

Howlgalka Midowga Afrika ayaa wajahay cambaareyn la xiriirta in uu adeegsaday "awood aan la ogoleyn oo xad dhaaf ah" oo ay ku toogteen dad rayid ah intii uu socday mudaaharaad ka dhacay bartamaha magaalada waxayna ugu baaqeen inay raali gelin ka bixiyaan dhacdada.

“Waxaan cambaareynayaa ficillada lagu cabudhinayo codka reer Hiiraan. Waxaan ugu baaqayaa ciidamada AMISOM & kuwa Itoobiya inay ka waantoobaan inay xoog u adeegsadaan danaha gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo," ayuu yiri C/raxmaan C / shakuur oo ah musharax madaxweyne.

Wuxuu intaas ku daray: "Rasaas lagu furo mudaharaadayaasha nabadeed waa dambi hirgalay inta uu xukunka hayay Farmaajo". Wuxuu soo kabasho u rajeeyay shacabka aan waxba galabsan ee ku dhaawacmay mudadii ay askartu tooganayeen mudaharaadayaasha.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan toogashada rayidka ah.

Isu soo baxyada taageersan mucaaradka ayaa ka dhacay dhowr goobood oo muhiim ah magaalada Muqdisho 15-kii bishii Diseembar iyadoo wararku ay tilmaamayaan in ciidamada amaanka ay isku dhaceen mudaaharaadayaasha degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan, halkaasna uu ka dhashay khasaaro.

Jimcihii la soo dhaafay, 25-kii Diseembar, nin hubaysan oo dhar cad ah oo ka tirsan hay'adda sirdoonka ee NISA ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaal ku sugnaa Muqdisho.

Mid ka mid ah goobjoogayaasha ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online inuu arkay dhowr qof oo dhaawacyo ka soo gaareen rasaasta halka seddex gabdhood oo dhalinyaro ahna xabsiga la dhigay sabab la xiriirta in ay kasoo muuqdeen isu soo baxa dowladda looga soo horjeeday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu ku saabsan yahay Heshiiska cusub ee Jabuuti la gashay dowladda Soomaaliya?

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa leh xiriir taariikhi ah oo ku saleysan hiddo, dhaqan iyo dano dhaqaale oo ay wadaagaan.

  • Soomaliya

    31-08-2025

  • 08:51AM

Masar oo caqabado kala kulmaysa Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu xoojiyo xiriirka difaaca ee Soomaaliya iyo Masar.

  • Soomaliya

    31-08-2025

  • 08:18AM