​Diiwaangalinta Murashaxiinta oo lasoo gaba gabeeyay [Akhriso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa galabta lasoo afmeeray diiwaangalinta murashaxiiinta u taagan jagada Madaxweynaha Somalia taasoo khamiistii lasoo dhaafay ka bilaabtay magalaada Muqdishu caasumadda Somalia.

Guddiga labada aqal Barlamanka Somalia ee doorashada Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay xubnaha buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, waxaana tiradoodu noqdeen 18.

Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Gudoomiyaha Guddiga Doorashada, ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay diiwaangelinta xubnaha u tartamaya xilka ugu sareeya dalka, waxayna kala ahaayeen;

  1. Shariif Sheekh Axmed
  2. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Farole)
  3. Cabdiqaadir Cali Cosoble
  4. Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)
  5. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
  6. Jibriil Ibraahim Cabdulle
  7. Xasan Sheekh Maxamuud
  8. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
  9. Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
  10. Cabdinaasir Maxamed Cabdulle
  11. Cali Xaaji Warsame
  12. Saciid Cabdulaahi Dani
  13. Maxamed Maxamuud Culusow
  14. Saciid Ciise Maxamuud
  15. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke
  16. Bashiir Raage Shiiraar
  17. Cabdullaahi Ciilmooge Xersi
  18. Cabdullaahi Cali Gees.

Dhawaan ayaa la filayaa inay isugu yimaadaan xubnahaas madal fagaare ah oo ay kusoo jeedin doonaan ajandayaashooda siyaasadeed iyagoo adeegsanaya warbaahinta gudaha.

Doorashada Madaxweynaha ayaa dhici doonta 08 Febreuary, 2017 waxaana dadweynaha Somaliyeed isha ku hayaan cidda soo bixin doonta iyadoo ay jiraan murashaxiin jagadaas u cad-cad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM