Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda oo ka billowday Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - 48 sano kadib waxaa maanta Muqdisho ka billowday diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda dalka, iyadoo ay jiraan xisbiyo badan oo ay wataan madaxda hadda talada haysa.

Hanaankan billowday ayaa waxuu bud-dhig u yahay geedi socodka doorasho hal qof iyo cod ah oo la filayo in dalka ay ka dhacdo 2020-ka, si looga gudbo 4.5, oo tan iyo burburkii awooda lagu qeybsanayay.

Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa Maanta ku dhawaaqay in si rasmi ah shahaadooyinka aqoonsiga u siiyay 8 xisbi siyaasadeed, kuwaasi oo buuxiyay shuruudihii laga rabay.

Shuruudaha ugu waaweyn ee xisbiga laga doonayao ayaa kamid ah xaruntiisa dhexe ay noqoto magaalada Muqdisho, islamarkaana uu laamo ku leeyahay guud 18-ka gobol dalka Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Jawaari, Wasiirro iyo xildhibaanno ayaa ka qeybgalay munaasabada shahaadooyinka lagu gudoonsiiyay xisbiyada.

Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Xaaliimo Yarey ayaa sheegtay nidaamka xisbiyada badan oo laga hergeliyo dalka ay muhiim u tahay doorashada 2020, taasi oo caqabado badan oo horyaallaan.

Xaliimo ayaa ugu baaqday Xildhibaannada iyo xubnaha kale ee dowladda laga doonayo in ay xisbiyo ka soo galaan siyaasadda dalka, halka hadda ay keenaan Odayaasha Qabaa’ilka.

Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed ayaa kusoo beegmaysa, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Xildhibaanno iyo Wasiiro katirsan Xukuumadiisa ay doonayaan inay sameystaan Xisbi Siyaasadeed.

Madaxda kale ee ugu sareysa dowladda ayaa sidoo kale wado qorshooyin ku saabsan aas-aasida Xisbiyo Siyaasadeed, oo ay doorashada 2020-ka ku tartami doonaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM