Dil laga naxay oo Muqdisho ka dhacay [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa saacadihii hore ee maanta oo Arabco ah ku dishay magaaladda Muqdisho kamid kamida Macalimiinta Dugsiyada Qur'aanka Kariimka.

Dilkan oo aad looga naxay ayaa ka dhacay xaafadda Buundooyinka ee degmada Waaberi kadib markii labo dhalinyaro ah oo bastoolado watay ay madaxa ka toogteen Macalinka xilli uu kusii jeeday Dugsigiisa Qur'aanka oo halkaasi ku yaalla.

Kuwa falka dilka ah geystay ayaa goobta si nabad ah uga baxsaday, iyadoo sida caadada ah ay halkaasu gaareen daqiiqada badan kadib ciidamada dowladda Soomaaliya, oo sameeyay howlgal aan cidna lagu soo qaban.

Lama oga sababta Macalinka loo dilay iyo cida ka dambeysa, balse dhacdadan ayaa noqonaysa mid kamid ah kuwa ku cusub dhegaha shacabka Muqdisho.

Muqdisho, oo ah xaruntii dowladda Federaalka ayaa dhacaya dilal joogto ah iyo qaraxyo, iyadoo ciidamo badan oo boolis ah ay wadooyinka ku sugan yihiin.

Mid kamid ah Saraakiisha sare ee CID-da ayaa xalay ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay nawaaxiga KM-4, halkaasi oo kamida meelaha sida aadka amnigooda loo ilaaliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM