Dilal iyo dagaal culus oo ka dhacay Muqdisho [Faahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo qof oo shacab ah ayaa maanta oo Sabti ah lagu dilay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoo shalay uu dagaal ku dhexmaray ciidamo kawada dowladda Isgoyska Maana-Booliyo.

Wararka aya sheegaya in Askari katirsan ciidamada uu rasaas ku furay Mooto bajaaj, isagoo dilay wadihii/darawalkiisa iyo qof kaloo saarnaa. Falkan ayaa saaka ka dhacay Isgoyska Howlwadaag.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday, waxaana lagu soo waramayaa in dad ka careysan dilka bajaajlaha ay dibadbax ka dhigeen Suuqa Bakaaraha.

Maalmo kahor ayay ahayd dil sidan oo kale Askari dowladda katirsan ugu geystay wade mooto bajaaj gudaha Muqdisho, iyadoo dilkaasi kadib uu maamulka gobolka Banaadir iyo Taliska booliska ay balan-qaadey in wax ka qabanayaan dhacdooyinka.

Dhanka kale, iska hor-imaad ayaa shalay gelinkii dambe waxa uu ciidamo boolis iyo militeri ku dhexmaray Isgoyska Maana-Booliyo kaasi oo ay ku dhimatay haweenay, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo kale.

Muqdisho ayaa martigelinaysa dhacdooyin xanuun badan, oo ay kamid yihiin qaraxyo, dilal iyo wado-xarid joogto ah, waxaana arrimaha ay qeyb ka yihiin fashilka qorshaha amni ee dowladda Federaalkaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM