Dilal ka dhacay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Labo qof oo shacab ah, oo mid kamid ah Haweeney ay tahay, ayaa maanta oo Isniin ah lagu dilay magaalada Muqdishu, ee caasumadda dalka Soomaaliya.

Dilka hore waxa uu ka dhacay Isgoyska Zoobe (KM-5), ee magaalada Muqdishu, halkaasi oo Askari la socday Gaari nooca dagaalka ah uu rasaas ku furay gaari uu watay Nin dhalinyaro ah oo shacab ahaa.

Dhowr xabadood ayaa askariga ku ridey gaariga Ninka shacabka ah watay, waxaana ay xabaddu ka haleeshay dhanka sare ee jirkiisa, iyadoo uu gudaha Gaarigiisa ku dhex-dhintey.

Askari iyo Gaariga uu watay ayaa goobta isaga dhaqaaqay, iyadoo aysan wax dareen ah siinin ninka ay dileen ee shacabka ah, kaasi oo meydkiisa dad marayay wada ka qaadey.

Sidoo kale, Dabley ku hubeysnaa bistoolado ayaa Caawa Haweeney waxey ku Dileen Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdishu, gaar ahaan xaafada Suuq Bacaad.

Goob jooge ayaa Garowe Online u sheegay in in Kooxda dilka geysatay ay goobta ka baxsatay, kahor inta aysan ciidamada amniga degmada Yaaqshiid soo gaarin.

Lama oga sababta loo dilay Haweenayda, iyo cida dilkeeda ka dambayso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM