Dilal ka dhacay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Labo qof oo shacab ah, oo mid kamid ah Haweeney ay tahay, ayaa maanta oo Isniin ah lagu dilay magaalada Muqdishu, ee caasumadda dalka Soomaaliya.

Dilka hore waxa uu ka dhacay Isgoyska Zoobe (KM-5), ee magaalada Muqdishu, halkaasi oo Askari la socday Gaari nooca dagaalka ah uu rasaas ku furay gaari uu watay Nin dhalinyaro ah oo shacab ahaa.

Dhowr xabadood ayaa askariga ku ridey gaariga Ninka shacabka ah watay, waxaana ay xabaddu ka haleeshay dhanka sare ee jirkiisa, iyadoo uu gudaha Gaarigiisa ku dhex-dhintey.

Askari iyo Gaariga uu watay ayaa goobta isaga dhaqaaqay, iyadoo aysan wax dareen ah siinin ninka ay dileen ee shacabka ah, kaasi oo meydkiisa dad marayay wada ka qaadey.

Sidoo kale, Dabley ku hubeysnaa bistoolado ayaa Caawa Haweeney waxey ku Dileen Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdishu, gaar ahaan xaafada Suuq Bacaad.

Goob jooge ayaa Garowe Online u sheegay in in Kooxda dilka geysatay ay goobta ka baxsatay, kahor inta aysan ciidamada amniga degmada Yaaqshiid soo gaarin.

Lama oga sababta loo dilay Haweenayda, iyo cida dilkeeda ka dambayso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM