Dilalka aargoosiga ee Soomaalida iyo Oromada oo sii kordhaya

Image

MOYAALE - Nadoon Sheekh Axmed Baallo oo kamid ah Odayaasha dhaqanka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo u waramay VOA-da ayaa shaaca ka qaaday in degaanka Deeqaasufo, ee gobolka Liibaan lagu dilay afar qof oo Soomaali ah.

Baallo ayaa xusay in xubnaha la dilay ay isku qoys ahaayeen, isagoo sii raaciyay in midkood uu ahaa wiil aad u da'yar, halka saddex kale ay ahaayeen dad waaweyn, oo midkood uu ahaa Aabaha dhalay wiilka yar oo da’diisu uusan daboolka ka qaadin.

Wuxuu carabka ku dhuftay in falkaan khaarijinta ah ay ka dambeeyeen Meleeyshiyaad kasoo jeeda Oromada, kuwaasoo gaari kala degtay dad shacab ah kadibna toogtay, siduu hadalka u dhigay Oday dhaqameed.

Nabadoonka ayaa sheegay in dhowr jeer ay ku war-geliyeen ciidamadda Federaalka iyo dowlad degaanka, laakiin dalabkooda aanan waxba laga soo qaadin, islamarkaana wali rabashaduhu sii socdaan, isagoo ugu baaqay Oromada inay dhibaatada joojiyaan.

“Ujeedka ay Oromada ka leedahay dagaalka waxay tahay inay barakiciso Soomaalida la degan dhulkooda,” ayuu Oday dhaqameedka raaciyay hadalkiisa.

Colaadda Soomaalida iyo Oromada ayaa ah mid soo jireen ah, waxaana muuqata inay sii kordhayaan hadda dilalka aargoosiga ah oo ay sameynayaan labadda dhinac, wallow Xukuumadda Abiy Axmed ku dadaaleyso inay wax ka qabato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM