Dildilaaca wali ka jira guddiga doorashada gobolada waqooyi
MUQDISHO, Soomaaliya - Qeyb kamid ah guddiga maamulaya doorashada kuraasta gobolada waqooyi ayaa maanta Khadar Xariir Xuseen u doortey guddoomiye, halka ay ku xigeen ka dhigeen Najiib Xuseen Samaale.
Xuseen oo ka tirsan shaqaalaha rasmiga ah ee dowlada federaalka waa xubinta muranka uu hareeyay kamid noqoshadeeda guddiga, iyaddoo siyaasiyiinta ay sheegeen in ay wadato Villa Soomaaliya.
Doorashada waxaa sababo aan wali la shaacin ka maqnaa garabka afhayeenka Aqalka Hoose, Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Tani waxay ka dhigan in muranka guddigan uu wali taagan yahay.
Dhinaca kale, daqiiqado kadib garabka afhayeenka Aqalka Sare Cabdi Xaashi ee guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa dhankooda waxay guddoon ku doorteen caasimada Muqdisho ayay u xusheen Suleyman Caydiid Cismaan, halka ku xigeen uu u noqonayo Cabdishakuur Cabiib Xayir.
Qadiyada qaabka loosoo xulayo iyo cidda maamuleysa kuraasta gobolaca waqooyi ayaa kamid ah arrimaha khilaafka ugu culus uu ka jiro ee caqabada ku noqdey doorashooyinka Soomaaliya.
Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa ku fashilantay in ay dhexdhexaad ka noqoto khilaafkan iyadda oo kaliya fursad baahineed siisay garabka taageersan ra'iisul wasaare ku xigeenka, Mahad Maxamed Guuleed.
Sida Garowe Online fahansan yahay, garabka Cabdi Xaashi ayaa soo jeediyey in doorashada guddoonka ay doortaan ayaga iyo xubnaha Mahdi Xaashi soo xulay si xubnaha xakuumada xilgaarsiinta ugu kala hiilin.
"Hase ahaatee, waxaa arrintaas diidey xubnaha Mahdi Guuleed kuwaas oo saddexda xubnood ee xukuumadda soo dirsatay oo saddexda ah iyo afartooda oo todoba iskuna noqonaya ay guddoon doorteen. Garabka Cabdi Xaashi oo shan ah ayaa ayagana kadib iska dhex-doortey guddoon," ayuu yiri qof si dhow ula socda khilaafkan.
Is-mari-waagan ayaa carqalad kale wuxuu ku noqonayaa heshiiskii ay 27-dii May, 2021 ay Muqdisho ku gaareen madaxda Soomaalida kaasoo ay wehlisay jadwalkii xeerinayey in dalka uu galo doorasho loo dhan-yahay.
GAROWE ONLINE