​Dilka maxaabiis ku xiran India oo la beeniyay

Image

MUMBAI- Safaaradda Soomaaliya ee dalka India ayaa beenisay wararka sheegaya in dil lagu xukumay qaar ka mida maxaabiis loo haysto falal budhcad badeednimo oo ku xidhan jeel ku yaalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay safaaradda oo lagu soo lifaaqay qoraal ay safaaraddu ka heshay garyaqaanka u doodaya dhallinyarada ku eedaysan falalka budhcadbadeednimada, ayaa lagu sheegay in weli dacwadda dhalinyaradani ay socoto, islamarkaana la filayo in la dhegeysto maalinta Jimcaha ee ku beegan 30-ka bishan September.

Marka Garmaqalka dacwaddaas la dhegeysto maalinta Jimcaha ayaa la filayaa inuu ka falceliyo dacwad oogaha gobolka Maharashtra oo uu sheego inuu aqbalay qirashada eedaysanayaasha, markaas kadib ayaa maxkamaddu go’aan ka soo saari doontaa.

Qoraalka ku lifaaqnaa warsaxaafadeedka safaaradda oo ahaa mid uu soo saaray garyaqaanka u doodaya dhallinyarada ayaa lagu sheegay in dhalinyarada xidhan qaarkood ay dhici karto in loo haysto falal dil ah, hase ahaatee kiiskoodu aanu u muuqanin inuu mutaysan karo dil, marka loo eego hannaanka cadaaladda ee dalka India oo inta badan xukunada dilka ah ku beddela xabsi dheer.

Garyaqaanka ayaa sheegay inaanu aaminsanayn in dhallinyaradan lagu xukumi karo dil, isaga oo tusaale u soo qaatay inaanay wax dil ah u geysan muwaadin u dhashay dalka India ama gaadiidkooda waxyeellayn ama aanay ku soo xadgudbin biyaha dalka India, taas bedelkeedana laga soo qabtay biyaha caalamiga ah.

VOA

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM