​Dilka maxaabiis ku xiran India oo la beeniyay

Image

MUMBAI- Safaaradda Soomaaliya ee dalka India ayaa beenisay wararka sheegaya in dil lagu xukumay qaar ka mida maxaabiis loo haysto falal budhcad badeednimo oo ku xidhan jeel ku yaalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay safaaradda oo lagu soo lifaaqay qoraal ay safaaraddu ka heshay garyaqaanka u doodaya dhallinyarada ku eedaysan falalka budhcadbadeednimada, ayaa lagu sheegay in weli dacwadda dhalinyaradani ay socoto, islamarkaana la filayo in la dhegeysto maalinta Jimcaha ee ku beegan 30-ka bishan September.

Marka Garmaqalka dacwaddaas la dhegeysto maalinta Jimcaha ayaa la filayaa inuu ka falceliyo dacwad oogaha gobolka Maharashtra oo uu sheego inuu aqbalay qirashada eedaysanayaasha, markaas kadib ayaa maxkamaddu go’aan ka soo saari doontaa.

Qoraalka ku lifaaqnaa warsaxaafadeedka safaaradda oo ahaa mid uu soo saaray garyaqaanka u doodaya dhallinyarada ayaa lagu sheegay in dhalinyarada xidhan qaarkood ay dhici karto in loo haysto falal dil ah, hase ahaatee kiiskoodu aanu u muuqanin inuu mutaysan karo dil, marka loo eego hannaanka cadaaladda ee dalka India oo inta badan xukunada dilka ah ku beddela xabsi dheer.

Garyaqaanka ayaa sheegay inaanu aaminsanayn in dhallinyaradan lagu xukumi karo dil, isaga oo tusaale u soo qaatay inaanay wax dil ah u geysan muwaadin u dhashay dalka India ama gaadiidkooda waxyeellayn ama aanay ku soo xadgudbin biyaha dalka India, taas bedelkeedana laga soo qabtay biyaha caalamiga ah.

VOA

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM