Diyaarad Drone ah oo ku dhacday duleedka Kismaayo

Image

KISMAYO, Somalia - Diyaarad nooca wax basaasta ee loo yaqaano (Drone), ayaa waxay ku dhacday deegaan ku yaallo duleedka magaalada Kismaayo, oo xarun u ah maamulka Jubbaland.

Diyaarada ayaa waxay ku dhacday deegaan lagu magacaabo Qudus, oo ay maamusho Al shabaab, kaasi oo qiyaastii 45KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo. 

Al shabaab ayaa qaadatey diyaarada burburtay, oo la sheegay inay leeyihiin Sirdoonka dowladda Mareykanka, oo mudooyinkii danbe howgallo duqeyn iyo Basaas ah ka samaynayay Jubbda Hoose. 

Horjooge ka tirsan Al shabaab, oo ku sugan Qudus, oo la hadlay Warfidiyeenkooda ayaa sheegay in Diyaarada ay kasoo duushay saldhig CIA-da Mareykanka ku leeyihiin Kismaayo, islamarkaana howlgal Basaas ah ka samaynaysay deegaanada Al shabaab maamusho. 

Wuxuu sheegay inay ka heleen Diyaarada Kaamarooyin iyo Muuqaalo ay duubtay, oo xogtooda u gudbin lahaa ciidamada Sirdoonka dowladda Mareykanka. 

Ma jiro war kasoo baxay Mareykanka iyo Jubbaland oo ku aadan diyaarad Drone-ka ah ee ku dhacday deegaanka Qudus, oo ah goob ay saldhigyo military ku leeyihiin dagaalyahanada Ururka Al shabaab.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM