Diyaarad hawada Soomaaliya laga mamnuucay oo xayiraada laga qaaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mas'uuliyiinta Hay'adda Duulista Hawada ayaa dib uga laabtay go’aan ay hawada dalka uga mamnuuceen diyaaradaha uu sameeyay Midowgii Suufiyiinte gaar ahaan nooca Antonov.

Hay’adda ayaa u ogolaatay diyaarada nooceedu yahay AN-26 in ka shaqeyn karto hawada wadanka afarta bilood ee soo aadan. Balse waxay xayiraada wali dul-saaran tahay noocyada AN-12, AN-24 iyo AN-32.

Noocyada diyaaradaha ee hawada dalka horey looga manuucay ayaa kala ahaa; AN-24, AN-26, AN-32 iyo AN-12. Sababta ayaa lagu sheegay badqabka garoomada iyo in ay gaboobeen diyaaradahaasi.

Go'aanka lagu mamnuucay diyaaradahaasi ayaa soo baxay 15-kii Maaj ee sanadkaan 2019, sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda.

Tan iyo markii uu soo baxay go’aankaasi diyaaradaha Antonov ayaa nan wax duulimaad ah ku imaanin gudaha wadanka. Balse, ka qaadista nooca AN-26 ayaa soo baxday 5-ta bishaan April.

Mas'uuliyiinta Hay’adda Duulista Hawada ayaa ku doodayay in Antonov aysan joogitaan ku lahayn Geesta Afrika hadii loo baahdo in dib u habayn lagu sameeyo diyaarahadeeda ama ay cilad ku timaado.

"Sidoo kale diyaaradaha shirkadaan lama jaan-qaadi karaan nidaamka hagista diyaaradaha ee casrsiga ah … Fariimahooda xaqiijintuna waa kuwa aanan la aqbali karin," ayay sheegeen mas'uuliyiinta Duulista Hawada.

Hasayeeshee warshadda Antonov oo gaashaanka ku dhufatay eedaymahaasi ayaa waxay shaacisay in diyaaradaheeda ay shahaado siisay hay’adda duulista hawada ee Midowga Yurub.

Waxay kaloo ku doodayaan in ay gobolka ku leedahay xarun lagu horumariyo laguna dayactiro diyaaradaheeda hadii ay cilad ay ku timaado.

"Diyaaradaha lagu diiwaan-geliyo Ukraine ayaa ah kuwa ku dhaca nidaamka hagista diyaaradaha … Kuweena ma jiraan xiyaaradyo ay ICAO saartay," ayay shirkada u sheegtay barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da.

Inta badan diyaaradaha uu sameeyay Midowgii Suufiyeenti ee waqti xaadirkaan wadanka ka shaqeeya ayaa waxaa adeegsada Howlgalka Qaramada Midoobay, kaasi oo kusoo daabusho gargaarka iyo adeegyada kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM