Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho
MUQDISHO, Feb 10 — Dhammaan 55-tii qof ee rakaabka iyo shaqaalaha isugu jiray ee saarnaa diyaarad ay leedahay shirkadda StarSky ayaa la sheegay inay badbaadeen Talaadada maanta ah, ka dib markii diyaaraddu ay dhaaftay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, kuna dhacday xeebta ku dhow garoonka.
Diyaaradan oo nooceedu yahay Fokker 50, uuna ku qoran yahay magaca shirkadda gudaha ee StarSky, ayaa la kulantay cilad farsamo wax yar ka dib markii ay ka kacday garoonka Muqdisho, iyadoo ku sii jeedda magaalada Gaalkacyo.
Masuuliyiinta garoonka ayaa xaqiijiyay in diyaaradda la siiyay ogolaansho ay dib ugu soo degto xilli deg-deg ah, balse xilligii ay caga-dhiganaysay ayay ka baxday dhabaha diyaaradaha, iyadoo ka dhacday meel mantiqa ah oo u dhow xeebta.
"Kooxaha gurmadka ayaa si deg-deg ah u gaaray goobta, waxaana laga soo saaray dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda iyadoo aysan jirin wax dhaawacyo halis ah oo soo gaaray," ayuu yiri sarkaal ka tirsan garoonka oo la hadlay Reuters.
Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.
Maamulka garoonka ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo waxa sababay in diyaaraddu ay dhabaha ka baxdo, iyadoo muddo kooban ay hakad galeen dhaqdhaqaaqyada duulimaadyada ee garoonka intii ay socdeen howlaha gurmadka.
GAROWE ONLINE