Diyaarad weerartay Gaari ay la socdeen Hogaamiyaal katirsan Al shabaab

Image

MUQDISHU, Somalia - Diyaarad Drone ah ayaa xalay Saqdii dhexe gobolka Shabeellaha hoose ka fulisay weerarka dhanka cirka ah, oo ay la bartilmaameedsatay Hogaamiyaal katirsan Kooxda Al shabaab.

Saraakiisha Ciidamada gobolka, ayaa sheegay in Diyaaradda Drone-ka ay dhowr Gantaal ku riday Gaari ay la socdeen Hogaamiyaal Al shabaab, xilli uu marayey meel ku dhaw Deegaanka Lambar-konton.

Wararka ayaa sheegay in mid kamid ah Gantaallada uu ku dhacay Gaariga, balse Lama oga Khasaaraha Al Shabaab kasoo gaarey weerarka, mana jirto wali war kasoo baxay Kooxda.

Askari katirsan ciidamada gaarka Mareykanka ee Navy SEAL ayaa bishii lasoo dhaafay lagu diley Howlgal ka dhacay deegaanka Bariire, oo aan sidaasi uga fogeyn halka uu weerarkii xalay ka dhacay.

Militariga Mareykanka ee ka howlgala Qaaradda Africa (AFRICOM) ayaa sheegay inay kordhinayaan duqeymaha dhanka cirka ah ee Somalia, si looga hortago khatarta Al shabaab ee Danaha Geeska Africa.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa kamid ah Meelaha ay ku xooggan yihiin Al shabaab dalka Somalia, lana rumeysan yahay inay kasoo abaabulaan qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM