​Diyaarado Duqeyn ka gaystay gobolka Shabeellaha hoose

Image

JANAALE, Somalia- Duqeyn dhanka cirka ah ayaa xalay ka dhacday goob ay maamusho xarakada Al shabaab oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Duqeynta oo ay fuliyeen Labo Diyaaradood oo nooca Dagaalka ah, ayaa lala eegtay Saldhig Shabaab ku leeydahay Tuulada Waayo-arag, oo 7KM u jirta degaanka Janaale.

Wararka Warsidaha GO uu ka helay Illo-wareedyo ku sugan Janaale, ayaa sheegaya in Duqeynta kadib Diyaaradaha ku degeen Tuulada Waayo-arag, kadibna dagaal muddo Saacado qaatey la galeen Al Shabaab.

Weli ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalkaas oo ilaa hadda aan la aqoonsan cidda fulisay.

 Deegaanka Janaale waxaa maamula Al Shabaab, oo sannadkii billowgiisa kala wareegtay ciidamada AMISOM iyo SNA.

Militariga Mareykanka ayaa saldhigyo qarsoodi ah ku leh deegaanka Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha hoose, waxayna dhowr jeer weeraro cirka ah ku qaadeen fariisimada Shabaab ee gobolkaasi.

Dhanka kale, Al Shabaab ayaa sheegtay in ay kala wareegeen ciidamada dowladda Somalia deegaan lagu magacaabo Kabtan-laas, oo ku dhow magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Somalia oo ku aadan duqeynta ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose, iyo la wareegista Shabaab ee deegaanka Kabtan-laas.

Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa noqday halka ugu badan ee kooxdaasi ka gaysato weerarada ka dhanka ah ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM