Donald Yamamoto oo shaaciyey qodobo uu kula heshiiyey Rooble

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa fahfaahin dheeraad ah waxay ka bixisay kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen danjire Donald Yamamoto iyo ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidda lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee safaaradda, dhinacyadda ayaa isku fahmay saddex arrimood oo khuseeya doorashooyinka nagu soo fool leh 2020-21, ammaanka, dhaqaalaha iyo dowlad wanaaga.

"Ku faraxsanahay in Maxamed Xuseen Rooble aan ugu hambalyeyno xaqiijinta inuu noqdey ra'iisul wasaaraha Soomaaliya. Waxaan maanta ku heshiinay ahmiyada ay leedahay in waqtigiisa lagu fuliyo heshiiska doorashooyinka, dowlad wanaaga iyo sii wadida dib-u-qaabeynta dhaqaalaha iyo ammaanka," ayuu lagu yiri qoraalka.

Heshiiska doorashooyinka 2020-21 oo ay Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxda dowladda iyo maamulada ayaa xeerinaya in coddeynta ay noqoto mid dadban oo ku saleysan nidaamka degaan doorashadda.

Sidda laga soo xigtay heshiiskaas Mareykanku kamid ahaa xubnaha riixayey isla markaana fulintiisa loo muddeeyay November, coddeynta waxay ka dhaceysaa laba magaalo iyaddoo ay codkooda ka dhiibanayaan 101 ergo.

Dhaqan-gelinta heshiiskaas waxaa mid kamid ah shaqooyinka ugu horeeya ee horyaala Rooble, 57-jir balanqaadey in uu diirada saari doono qabashada doorasho xor iyo xalaal ah ayna heshiis kuwada yihiin daneeyeyaasha.

Beesha Caalamka oo durtay heshiiska waxay ku sifeysay "mid ka gaabiyey" yoolalkii Soomaalida ku taamayeen oo ay ugu horeysay in dadweynaha ay fursad u helaan in ay soo doortaan hogaanka ay ku aaminayaan waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM