​Dooda murashaxiinta Madaxweynaha Somalia oo bur-burtay

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maanta loo ballansanaa in murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Somalia isugu yimaadaan dood wadaag ah oo ay kusoo bandhigayaan wax-qabadkooda taasoo qorshuhu ahaa in si toos ah warbaahinta looga daawado.

Xog hordhac ah oo soo gaaraysa Garowe Online ayaa sheegaysa in dood ay yeelan lahaayeen dufcadda kowaad oo ka kooban 12 mudane oo ay ku jiraan, Farole, Sheekh Shariif iyo Cabdishakuur uu bur-buray xilli la gudagalay kadib markii ay ogadeen in la buriyay hishiiskii hore.

Sababta keentay in barnaamijkaas fashilmo ayaa loo aanaynayaa adeega Internetka oo gabi ahaan laga jaray magaalada Muqdishu caasumadda Somalia iyo warbaahintii madaxa bannaanayd oo goobta laga waayay.

Kulanka ayaa ka dhici lahaa xarunta golaha Barlamanka Somalia, waxaana la sheegay in waxyaabihii horey loo jideeyay dhammaantood aysan maanta hirgalin.

Lama oga cidda falkaas ka dambaysay, balse murashaxiinta dufcadda labaad jeedinaysa waxaa ku jira Madaxweyne Xasan Sheekh oo dagaal adag ugu jira sidii uu kusoo bixi lahaa kursiga markii labaad.

Murashaxiinta 31 January, 2017 dooda ku yeelan lahayd Muqdishu ayaa markii ay ka war-heleen arrimaha socda, waxay joojiyeen barnaamijkoodii iyagoo shir deg deg ah ku yeeshay caasumadda dalka kaasoo goordhow ay kasoo saari doonaan war-saxaafadeed.

Sidoo kale maqnaashaha Internetka ayaa saameyn ku yeeshay dhammaan adeegii Warbaahinta ka howlgasha Koofurta Somalia sida Idaacadaha, Tv-yada iyo Wabseed-yada.

Qaar kamid ah shirkadaha bixiya Adeega Internetka oo aan xiriir la samaynay ayaa faah faahin ka bixin sababta loo jaray khadka.

Sadex shirkadood ayaa si rasmi ah u bixiya Internet-ka Muqdishu kuwaasoo kala ah Shirkadda Hormuud, Global iyo Somtel.

Faah faahinta, waxaan idiin kusoo gudbin doonaa wararkeena Dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM