DOODA Qalbi Dhagax oo ka socota Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHU, Somalia - Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Barlamanka Somalia ayaa kulan ku leh xarunta gollaha Shacabka, kaasii oo ay uga doodayeen go'aankii Xukuumadda ayy Qalbi Dhagax ugu gacan gelisay Ethiopia bishii lasoo dhaafay.

Kulanka oo ku furmay Jawi degan, ayaa waxaa soo xaadiray 157 Xildhibaan, iyadoo uu Shir-Gudoominaayo Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Wariyaha Garowe Online ee magaalada Muqdishu, ayaa kusoo waramaya in Xildhibaan kaste oo ka mid ah Golaha Shacabka la siiyay waqti uu kaga hadlo Kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Kulankana maanta ayaa la filayaa inuu kasoo baxay go'aan kama dambaysa ah, oo Gollaha Shacabka ka qaato arinta Qalbi Dhagax, oo aad u haraysay hadal haynta bulshada qeybaheeda kala duwan.

Xildhibaanno fara ku tiris ah ayaa doonaya inay Kiiska Qalbi Dhagax u bedelaan Mooshin lagu rido Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre, kuwaasi oo ay kamid yihiin Mahad Salaad, Abshir Bukhaari iyo Axmed Maclin Fiqi.

Xukuumadda Somalia ayaa Qalbi Dhagax u dhiibtay dowladda Ethiopia maadaama uu yahay xubin sare oo katirsan Jabhadda ONLF, iyadoo raacaysa heshiisyo is-dhaafsi dembiiliyaasha iyo Maxaabiista ah oo Somalia la gashay Ethiopia xilligii dowladdii Xasan Sheekh.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM