"Doon hub wadday" oo lagu qabtay xeebaha Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda Mareykanka ee ku sugan biyaha Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay doon la sheegay in ay wadday shixnado hub ah, sidda ay sheegayaan warbixino aan la socon fahfaahin dheeraad ah.

Sidda ay muujinayaan wararka laga helayo warbaahinta maxaliga ah, hubka la qabtay ayaa isugu jira garneelada garbaha laga gano ee RPG, BKM iyo AK- 47.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamadda Mareykanka iyo Dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan ciidamadda badda.

Su’aallaha la doonayo in dhinacyadda ka jawaabaan waxaa kamid ah; cidda ay u rarneyd doonta, halka lagu qabtey iyo meesha ay kusii jeeday.

Xeebaha Soomaaliya oo ay joogaan ciidamadda dowlado kala duwan ayaa lagu tilmaamaa "mid kamid ah badaha ay ka dhacaan dambiyadda ugu badan".

Dhawaqa ku saabsan in la qabtey doon wadday hub ayaa imaanaya maalin kadib markii Taliska Ciidamadda Badda Puntland uu shaaca ka dhigay in uu qabtay doonyo wadday kalluumeysi sharci darro ah wallow uusan fahfaahin.

Inta badan doonyaha hubka lagu qabtay gudaha biyaha Soomaaliya ayaa la sheegay in ay u rarnaayeen maleyshiyadda Al-Shabaab oo la aaminsan yahay in ay taageerada ay ka hesho dibadda ay isugu jirto sahay ciidan iyo dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM