​Doorashada Aqalka Hoose oo ka socoto Kismaayo iyo Baydhobo

Image

KISMAAYO, Somalia- Waxaa maalintii labaad si habsami ah uga socdaan Kismaayo iyo Baydhobo doorashada xildhibaanada aqalka hoose, ee baarlamaanka la dhisayo dalka Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo waxay ergadu gudaha galeen doorashada aqalka hoose, waxaana la filayaa in ay doortaan 12 Xildhibaan, iyadoo shalay la doortay 7 Mudane.

Mamaulka Jubbaland ayaa la dilayaa in maalmaha soo socdo uu soo dhamaystiro doorashada Xildhibaanadiisa aqalka hoose, oo gaaraya 42 Mudane.

Dhanka magaalada Baydhobo waxaa sidoo kale socoto doorasho taas lamid ah, waxaana lagu wadaa in maanta lagu doorto Doorashada aqalka hoose 8 Xildhibaan.

Doorashadii shalay ka dhacday Baydhobo, waxay ergada doorteen 7 Mudane, oo uu kuu jiray Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ee waqtiga la dhamaaday Maxa'ed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay doorato 69 Xildhibaan, waana maamulka ugu xildhibaanada badan Xubnaha Baarlamaanka soo socdo ee dalka Soomaaliya.

Amaanka Kismaayo iyo Baydhobo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana si wadajir ah u sugaya amniga ciidamada maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, oo garab ka helayo kuwa AMISOM.

Dhanka kale, Magaalada Jowhar ayaa wararku waxay sheegayaan in maanta ka dhacayso doorashada aqalka sare, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta maamulka Hir-Shabeelle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM